Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxtooyada Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada PL
    Puntland

    Madaxtooyada Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada PL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 2, 2024Updated:August 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 01 August 2024. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada.

    Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah caawa ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday.

    “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay.

    Munaasabadda ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Qunsulka Dowladda Itoobiya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

    – DHAMMAAD –

    XAFIISKA WARFAAFINTA
    MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.