Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo dardargelin ku wada Shaqadiisa
    Puntland

    Booliska Puntland oo dardargelin ku wada Shaqadiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 28, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland sareeyo guuto Mumin Abdi Shire ayaa shir gudoomiyey shirka saraakiisha booliska Gobalka Mudug oo looga hadlayey hormarinta amniga Gobalka iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala.

    Shirka waxaa ka qayb-galay Taliyaha qaybta Booliska gobolka mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf,taliyaha kuxigeenka hogaanka ilaalada canshuuraha G/Sare Ciise Axmed Maxamud,taliyaasha laamaha Gobalka,taliyaasha saldhigyada magaalada Galkacyo iyo saraakiisha Amniga booliska Gobalka.

    Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf ayaa warbixin guud kasiiyey ,taliyaha ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire shaqada Amniga gobalka iyo xaaladihii amni ee u danbeeyey,iyadoo hormar fiican laga sameeyey dhanka amniga iyo wadashaqaynta bulshada iyo booliska Gobalka.

    Taliyaha Ciidanka Booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire ayaa ugu horeyn warbixin guud kasiiyey saraakiisha booliska Gobalka mudug qorshaha hormarineed,dhisme iyo tayeyneed ee lagu wado ciidanka booliska dowladda Puntland,taas oo ay muhiim tahay in ciidanka boolisku noqdo mid kuqalabaysan aqoon iyo xirfad.

    Ugu danbayn Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha Ciidan booliska Gobalka Mudug kubogaadiyey shaqada ay u hayaan bulshadda sidoo kalana faray iney labo jibaaraan shaqada ay u hayaan dalka,dadka iyo diintooda,lagana hortago kuwa cadowga ku ah nolasha dadka reer Puntland.

    Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

    Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.