Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Map-ka,waa Danbi weyn oo uu galay Maamulka Xasan Shiikh.
    Puntland

    Faallo:-Map-ka,waa Danbi weyn oo uu galay Maamulka Xasan Shiikh.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Map-ka ay shaacisay Wasaaradiisa Batroolka,wuxuu la mid yahay hadalkii Xasan ee ahaa “24-Cisho ayay PL ku burburaysaa”.

    Waa wax muujinaya Niyad xumida Xasan,wuxuuna toosin uyahay kuwa Deni,ayaa Shaqo iyo Mashruuc noo diiday kula jooga ee PL kasoo jeeda in Xasan yoolkiisu ka shisheeyo waxa iyagu ay ku qanacsan yihiin ee gaaban.

    Ujeedka Map-ka?

    1.In Dhulka aysan degin Beesha MW Xasan laga dhigo Deegaamo aan laga Qodi karin Shidaal sida….

    B.JL.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.
    T.KG.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.
    J.PL.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.

    2.In hadii Afkiisa uu noqdo dhanka PL ee Garacad Balooga 130 oo ah kan la saadaalinayo in uu ku jiro Kayd Shidaal oo fara badan Markabka Turkiga uu galo laguna doodo waa Dhul lagu muransan yahay ee maanan gelin Xuduuda PL.

    Somaliya 30-kii Sano ee udanbeeyay loolan Qabiilada udhaxeeya oo dhaliyay Colaado,ayay kusoo jirtay,haatana,waxaa bilowday loolan Qabiilaysan oo Tamarta ah,kaasoo ay ku kala daaban yihiin Dowlado Shisheeye.

    Shidaalka ugu badan ee ku jira Badweynta Hindiya,waxaa laga helay Deegaamada PL oo la qiyaaso Kayd gaaraya ku dhawaad 130 Baloog.

    Maamuladii iskaga danbeeyay ee PL hogaaminayay,waa wada diideen in Villa Somaliya Ninka fadhiya ku tagri falo kaydkooda,sida Koonfurta oo aysan jirin Cid ilaalsanaysa Dhulkaas.

    Mudug,waa Gobol xasaasiya oo colaadihii sokeeye Xudun u ahaa hadii haatana loolanka Tamarta uu Saldhig unoqdo Somaliya markale,waxay galaysaa Colaad cusub.

    Dadka wada dega Mudug,waxay ku guulaysteen wax walba oo soo dhexmaray in ay Nabad kuwada noolaadaan oo Gaalkacyo camiran ay ku tartamaan horumarka,waxaase mar walba khatar ku ahaa Siyaasiga Xamar fadhiya,gaar ahaan Xasan Shiikh.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.