Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowlada Puntland Oo si weyn ucanbaaraysay Map-ka khaldan
    Puntland

    Dowlada Puntland Oo si weyn ucanbaaraysay Map-ka khaldan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    《WAR-SAXAAFADEED》.

    Garowe: 26 October 2024: Dowladda Puntland waxay si kulul u cambaaraynaysaa, nasiib darrana u aragtaa khariiradda cusub ee ay DFS muranka ku gelisay Gobollo iyo Degmooyin ka tirsan Puntland, taas oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Dowladda Puntland, Hannaanka dib u heshiisiinta iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

    Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah.

    Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland.

    Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobadiisa 50-aad iyo 54-aad, Dowladda Puntland ayaa masuul ka ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka Dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland.

    Ugu dambayntii Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in tilaabooyinkani keeni karaan xasilooni daro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

    —DHAMMAAD—

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.