Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xubnaha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka
    Puntland

    Xubnaha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2024No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Oktoobar 29, 2024 – Xubnaha labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weheliyaan Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland u xil-saaray soo dhaweyntooda ayaa kulan kula qaatay Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee Puntland.

    Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la yeesho is xog-wareysi iyo wada-tashi ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Xildhibaannada iyo bulshada rayidka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo horumarinta siyaasadda iyo xoojinta maamulka wanaagsan.

    Agaasimaha PDRC, Cali Faarax Cali, ayaa furay kulanka, isagoo soo dhaweeyay Xubnaha labada Aqal ee BJFS oo ay weheliyaan Guddiga GWDPL u xil-saaray soo dhaweyntooda, isaga oo sheegay shirkaan uu muhiimad gaar ah leeyahay si loo xoojiyo wadashaqeynta bulshada iyo mas’uuliyiinta.

    Wuxuu carabka ku adkeeyay in PDRC ay tahay madal muhiim ah oo loogu talagalay in lagu wada hadlo arrimaha masiiriga ah iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka, iyadda oo ku taagan hannaanka nabadda, taageeridda dimuqraadiyadda, iyo horumarinta maamulka suuban.

    Agaasime ku-xigeenka PDRC, Cabdinaasir Yuusuf Buraale, ayaa ka hadlay doorka Hay’adda PDRC ee dhex-dhexaadinta iyo isu keenidda Bulshada rayidka ah, madaxda JFS & Puntland. Wuxuu sharaxay in PDRC ay dhiirrigeliso wadahadalka bulshada iyo mas’uuliyiinta si loo gaaro nabad iyo wadajir guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Kulankan maanta ayaa xoogga lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin:

    Siyaasadda Guud iyo Federalism-ka:

    Xildhibaannada iyo bulshada rayidka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si cadaalad ah loo wadaago awoodaha iyo khayraadka dalka, iyagoo isla gartey in la ilaaliyo hannaanka midnimada qaranka Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federal ah sida horray loogu heshiiyey.

    Shuruucda iyo Dastuurka Federaalka:

    Dhammaan dhinacyadda Bulshada Rayidka waxay carrabka ku adkeeyeen in la ilaaliyo dastuurka 2012, iyadoo la tilmaamayo in laga fogaado wax-ka-beddel aan dastuuriga ahayn.

    Waxaa si gaar ah loo xusay in Dawladda Federalka ay ku xadgudubtay heshiisyadii hore ee ay Soomaalida gaareen, iyadoo doonaysa in la bedelo dastuurka saxda ah. Waxaa sidoo kale la xusay in Dawladda Federaalka ay siyaasadeeyeen dhammaan mashaariicda lagu helo magaca Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bulshada sida deeqaha waxbarashada, tababarada saraakiisha ciidanka, iyo dhaqaalaha, taasoo khilaafsan danaha JFS.

    Arrimaha Bulshada, Horumarinta iyo Caafimaadka:

    Bulshada Rayidka ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in si siman loo qeybsado deeqaha arrimaha Bulshada ee lagu helo magaca Soomaaliyeed, isla markaana laga hortago in adeegyada arrimaha Bulshada la siyaasadeeyo. Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray in aan la oggolaan in adeegyada la xiriira bulshada ay noqdaan kuwo siyaasadeed, taas oo keenaysa in shacabka aysan ka faa’iideysan si siman.

    Dhexdhexaadinta iyo Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed:

    Waxaa kulanka lagu soo qaaday in Puntland iyo Dawladda Federaalka ay wadahadallada diiradda ku saaraan arrimaha khayraadka dabiiciga ah iyo awood-qeybsiga, si loo xaqiijiyo horumar waara oo dheelitiran.

    Xubnaha ayaa sidoo kale xooga saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Siyaasadda Guud ee JFS, Wax-ka-bedelka Dastuurka, Qeybsiga Khayraadka Dabiiciga ah, Nidaamka Doorashooyinka iyo Amniga.

    Inta ay Garoowe ku sugan yihiin ayaa la filayaa inay xubnaha labada Aqal ee BJFS soo saari doonaan war-murtiyeed faahfaahsan oo ka hadlaya go’aannada iyo talooyinka kulamada, iyadoo la boorinayo dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad, horumar, iyo Dawladnimo ku dhisan dastuurka JFS ee lagu heshiiyey 2012.

    Xubnaha labada Aqal BJFS intii ay joogeen Garoowe, waxay ka qeyb-galeen Furitaankii Kalfadhiga 55aad ee GWDPL, sidoo kale la kulmeen Golaha Wakiillada & Golaha Xukumadda Puntland, iyagoo kormeerro shaqo ku tagey Xarunta Aqalka Golaha Wakiillada, Madaxtooyadda iyo Wasaaradaha Dawladda Puntland si ay ugu kuur galaan xaaladda adeegyada bulshada, horumarinta, iyo caqabadaha ku hor gudban.

    Xildhibaannada ayaa Garoowe u yimi si ay uga qeyb-galaan furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiillada, oo furmay 26-kii Oktoobar, kadib casumadii ay ka heleen Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

    E-mail: info@puntlandparliament.com

    Twitter ( X):
    Tweets by Parliamentofpl

    Instagram: https://instagram.com/parliamentofpl

    Telegram: https://t.me/parliamentofpl

    YouTube: https://youtube.com/@parliamentofpl

    Website: https://puntlandparliament.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.