Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND
    Puntland

    GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Nofeembar 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

    Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii wadista doodda iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo isbeddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada.

    Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka, si loo turxaan bixiyo loona waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland.

    Fadhiga maanta oo ahaa maalintii saddexaad ee doodda ku saabsan xeerkan, ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey.

    Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, kadibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan.

    Intii uu Guddigu diyaarinayey soo jeedinta, waxa uu talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo arrimaha sharciga khuseeya. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday isbeddellada lagu sameeyey xeerkan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo.

    Xeerka Qareennada Puntland, oo muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan.

    Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.