Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»LA XISAABTANKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA & DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND
    Puntland

    LA XISAABTANKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA & DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Nofembar 17, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

    Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil kale ee Wasaaradda.

    Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.

    Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay qaybinta miisaaniyadda degmooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in loo sinnaado qaybsiga khayraadka isla markaana si degdeg ah loo gaaro deegaannada aan weli helin adeegyada asaasiga ah.

    Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.

    Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.

    Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa.

    Guddoomiyaha Golaha, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku adkeeyey Xukuumadda in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Dawladda iyo isla-xisaabtanka si loo xaqiijiyo adeegyo hufan oo bulshada Puntland ka haqab tira baahiyahooda. Wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiillada uu sii wadi doono dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha xukuumadda si loo gaaro maamulka wanaagsan iyo horumar waara.

    ~ DHAMMAAD ~

    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.