Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»LA XISAABTANKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA & DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND
    Puntland

    LA XISAABTANKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERAALKA & DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Nofembar 17, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

    Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil kale ee Wasaaradda.

    Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.

    Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay qaybinta miisaaniyadda degmooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in loo sinnaado qaybsiga khayraadka isla markaana si degdeg ah loo gaaro deegaannada aan weli helin adeegyada asaasiga ah.

    Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.

    Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.

    Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa.

    Guddoomiyaha Golaha, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku adkeeyey Xukuumadda in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Dawladda iyo isla-xisaabtanka si loo xaqiijiyo adeegyo hufan oo bulshada Puntland ka haqab tira baahiyahooda. Wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiillada uu sii wadi doono dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha xukuumadda si loo gaaro maamulka wanaagsan iyo horumar waara.

    ~ DHAMMAAD ~

    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.