Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Kumanaan kamid ciidamada Difaaca Puntland oo lagu daabulayo gobalka Bari
    Puntland

    Kumanaan kamid ciidamada Difaaca Puntland oo lagu daabulayo gobalka Bari

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2024Updated:November 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyay ee la xiriira duullaan culus oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

    Duullaanka ayaa wajigiisa kowaad lagu beegsan doonaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid buuraleyda calmiskaad ee gobalka Bari.

    Daacish ayaa sanadihii lasoo dhaafay qoranaysay dagaalyahano ajaanib ah, iyadoo loo arko halis sii kordhaysa oo gabaad ka dhiganaysa buuraleyda Bari ee Puntland.

    Kumanaan kamid ah ciidamada Difaaca Puntland ayaa hadda lagu daabulaya gobalka Bari, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ugu dhawaaqo dhowaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan gobalka Bari – bilaabashada howlgalkan.

    Hoggaamiyaha Daacish ee Puntland, Cabdulqaadir Muumin ayaa loo badinayaa in bilo kahor loo doortay hoggaamiyaha sare ee Daacish, waxaana tani ay soo dadajisay in Puntland ay qaado howlgalkii ugu weynaa ee ka dhan ah kooxdan, si loo burburiyo unugyada ay ku dhisayso buuraha Bari, meesha looga saaro halista kasoo foogan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.