Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Kumanaan kamid ciidamada Difaaca Puntland oo lagu daabulayo gobalka Bari
    Puntland

    Kumanaan kamid ciidamada Difaaca Puntland oo lagu daabulayo gobalka Bari

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2024Updated:November 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyay ee la xiriira duullaan culus oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

    Duullaanka ayaa wajigiisa kowaad lagu beegsan doonaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid buuraleyda calmiskaad ee gobalka Bari.

    Daacish ayaa sanadihii lasoo dhaafay qoranaysay dagaalyahano ajaanib ah, iyadoo loo arko halis sii kordhaysa oo gabaad ka dhiganaysa buuraleyda Bari ee Puntland.

    Kumanaan kamid ah ciidamada Difaaca Puntland ayaa hadda lagu daabulaya gobalka Bari, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ugu dhawaaqo dhowaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan gobalka Bari – bilaabashada howlgalkan.

    Hoggaamiyaha Daacish ee Puntland, Cabdulqaadir Muumin ayaa loo badinayaa in bilo kahor loo doortay hoggaamiyaha sare ee Daacish, waxaana tani ay soo dadajisay in Puntland ay qaado howlgalkii ugu weynaa ee ka dhan ah kooxdan, si loo burburiyo unugyada ay ku dhisayso buuraha Bari, meesha looga saaro halista kasoo foogan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.