Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland: Maxkamadda Militari Oo Xukuno Ku Riday Dambiilayaal Iyo 10 Dumar Ah Oo U Socday Al-Shabaab
    Puntland

    Puntland: Maxkamadda Militari Oo Xukuno Ku Riday Dambiilayaal Iyo 10 Dumar Ah Oo U Socday Al-Shabaab

    𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆By 𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆December 15, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa maanta go’aamo ka soo saartay Rag iyo haween eedeysanayaal ku ahaa gudbinta iyo u socoshada kooxda Alshabaab oo deegaannada maamulkaasi.

    Maxkamadda oo ku riday xukunno u dhexeeya 5 ilaa 10 sano ayaa carrabowday inay ku heshay eedeysanayaashaan dambiyada lagu oogay dadkaan oo ah ka mid ahaanshiyaha kooxda Alshabaab.

    Sida oo kale Maxkamadda ayaa tilmaantay in dumarka oo waalidintooda siiyeen xubno ka tirsan Alshabaab ay socdeen, kuwaa oo qiraaladooda ay ka hor cadeeyey garmaqalka.

    Maxakamadda ayaa Colaad Jaamac Salaad oo 20 jir ah iyo Maxamed Cabdi Geelle oo 43 jir ah ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ah, halka shan dumar ah lagu riday 5 sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle.

    Ugu dambeyn Maxakamadda ayaa dib xoriyaddooda u siisay 3 eedeysane oo wax dambi ah lagu waaayey iyo gaadiidkoodii, ka dib markii wax dambi ah lagu waayey.


    Isha wararka HBN Online

    Al-Shabab Puntland Somalia
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.