Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shaqaaqadii Xarfo oo laga gaaray Xal rasmi ah
    Puntland

    Shaqaaqadii Xarfo oo laga gaaray Xal rasmi ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarfo: December 29, 2024: Shalay oo taariikhdu ahayd December 28, 2024, waxaa guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo ka furmay wajiga 2-aad ee shirka dib u heshiisiinta labadaba beelood ee isku dhacu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug December 22, 2024.

    Shirkaan oo ahaa maanta mid si toos ah loo guda galay, ayaa waxay nabaddoonnada iyo guddiga labada jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen:-

    1. Waxay Jifida Maxamed Cumar ka garaabeen, raalligelin iyo soo hoyasho tolnimana ka bixiyeen dhacdadii foosha xumayd ee Xarfo ka dhacday. Waxay caddeeyeen inay beel ahaan hagaajinayaan Ceelkii waxyeeladu soogaartay ee Degmada Xarfo.

    2. Waxay labada jifo (Maxamed Cumar iyo Reer Mahad), ku heshiiyeen in berri laga bilaabo iyagoo wada jira ciidamadii iyo maleeshiyadii Xarfo gurmad ahaanta ku soo galay lakala diro oo deegaamadoodii lagu celiyo.

    3. In wixii dhib ahaa ee dhacay (dhiig iyo dhaawac) laga wada hadlo, lagana heshiiyo.

    4. Arrinta Qabooley waxay labada Jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad (Cumar Maxamuud), Isimada iyo Dawladduba isla qaateen in la raaco guddoonkii Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee horey looga gaaray arrimaha Qaboobey, loona fuliyo guddoonkaas si deg deg ah.

    Ugu dambayntii Maamulka Gobilka Mudug wuxuu u mahadcelinaysaa cidkasta oo ka qayb-qaadatay nabadeynta beelaha walaaha ah ee xurguftu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu horeyaan Wasiiradii uu Hogaaminayay Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha, Isimada dhaqanka , Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka Puntland, Degmada Xarfo, ciidamada amaanka, guddigii Cuqaasha iyo samadoonada ahaa ee hawshaan ku jiray iyo Nabaddoonadii ka yimi Gobolada kale ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.