Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Carwada Tiknoolajiyada Puntland Oo Garowe ka furantay
    Puntland

    Carwada Tiknoolajiyada Puntland Oo Garowe ka furantay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 5, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 05 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay Shirka Tiknoolijiyadda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, ayna ka qeybgalayaan Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Tiknoolijiyadda, Warbaahinta, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Khuburo Aqoon u leh Tiknoolijiyadda .

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada casrigan ay Tiknoolijiyadu u leedahay Dowladnimada , iyadoo nidaamka Dowladnimo ee Puntland ay qeyb weyn ka tahay, sida diiwaangelinta Ciidanka iyo Shaqaalaha, Ku maareynta maaliyadda, Adeegsiga adeegyada danabeysan, Isgaarsiinta, amniga, horumarka iyo qeybo badan oo Dowladnimada maanta ah.

    Wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku ku boggaadiyey Wasaaradda Warfaafinta joogtaynta Shirkan, oo sanadkiiba mar dib usoo Bandhigga Tiknoolijiyadda isbed-bedelaysa iyo siyaabaha ugu wanaagsan ee ay uga faa’ideysan karaan bulshooyinku, isaga oo booqday Adeegyada tiknoolijiyadda ee lagu soo bandhigay qeybta carwada ee munaasabadda .

    Shirka Tiknoolijiyadda Puntland oo sanadkiiba mar la qabto, inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa, warbixino iyo doodo ku saabsan Tiknoolijiyadda heerka aan ka marayno iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo.

    -DHAMMAAD-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.