Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MADAXWEYNE KU-XIGEENKA OO FURAY SHIRWEYNANA HORUMARINTA WADDOOYINKA PUNTLAND.
    Puntland

    MADAXWEYNE KU-XIGEENKA OO FURAY SHIRWEYNANA HORUMARINTA WADDOOYINKA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 10, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 09 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa furay Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland, oo ah kii koowaad ee noociisa ah, Shirkan oo socon doona (9-12 January 2025) waxaa soo diyaarisay Hay’adda Waddooyinka Puntland iyadoo ay kala qeybgashay Wasaaradda Hawlaha Guud.

    Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo warbixino ku saabsan hab u socodka dhismaha Waddooyinka Puntland iyo kharaashaadka ku baxaya, shaqooyinka dayactir, dib-u-dhis iyo hagaajin ee ku socota Waddooyinka Puntland, sidoo kale waxaa lala wadaagay madasha qorsheyaasha horumarin ee Shirkan lagu go’aaminayo.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xusay in Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland uu muhiim u yahay hirgelinta qorshaha Dowladda ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku boggaadiyey Hay’adda Waddooyinka iyo Wasaaradda qabashada Shirka.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadaha dhismaha Waddooyinka ee Puntland, Rugta ganacsiga Puntland, ganacstada, Dalladda Ururada Bulshada ee #PUNSAA iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.