Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xog: Maamulka Fadhigiisu Xamar ee Xasan Shiikh Hogaamiyo oo Hub iyo Saanad Ciidan siiyay Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab
    Somalia

    Xog: Maamulka Fadhigiisu Xamar ee Xasan Shiikh Hogaamiyo oo Hub iyo Saanad Ciidan siiyay Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab

    𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆By 𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆January 16, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DUKUMINTI: Sida ay muujinayaan macluumaad ay qoreen ilo sirdoon oo caalami ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku fashilantay dagaalkii Shabaabka, ayaa si weyn uga maseyrsan hawlgallada dardarta ku socda ee ay wadaan Ciidamada ammaanka Puntland.

    Hawlgalka Hillaac ee Puntland ayaa muddo ka yar bil ku soo hoyay guulo waaweyn oo ku yar taariikhda hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya. Waxaana taas wada qiray dhammaan khubarada amaanka ee ka faaloota Geeska Afrika.

    Haddaba, XASAN SHEEKH, ayaa u jiheystay fulinta qorshe gurracan oo lagu doonayo in lagu hagardaameeyo hawlgallada Puntland.

    Dukuminti dhowaan nasoo gaaray oo muddo aan ku wadnay faaqiqaad ayaan halkan idin kula wadaagayaa:

    – DF waxay fasaxday, caawimaadna siisay Shabaab iyo Daacishta ku dhuumalaysanaysa buuraha Sanaag iyo Bari. Taageerada waxaa ku jira in la fududeeyo kala gudbinta saadka iyo agabka ay u baahan yihiin dagaalyahannada argagixisada.

    – Dhowr bilood ee lasoo dhaafay illaa 800 nin Daacish ayaa ka gudbay deegaanka #Maydh, gobolka Sanaag. Hay’adda #NISA ayaana ku lug leh.

    – Sida xogtan sheegeyso, wuxuu XASAN fasaxay inaan la xayirin haddii Shabaabka ku sugan koonfurta Soomaaliya ay u jiheystaan dhanka Puntland si ay u carqaladeeyaan ammaanka magaalooyinka Puntland, maadaama ciidamada iyo Dowladda Puntland ay ku mashquulsan yihiin hawlgallada dhanka Buurta.

    – Hub ka yimid #Iran, oo soo maray #Yemen ayay Shabaab iyo Daacish heleen dhowaan, waxaana kala gudbinta qeyb ku leh ganacsato, dullaalliinta hubka iyo saraakiil ka tirsan maamulka Xasan Sheekh. Daacish waxay sidoo kale heshey drone-s isugu jira kuwa Iran iyo kuwa #China laga keenay.  

    – Hubka Iran ee soo mara Yemen wuxuu ahaa arrin uu dhowaan shaaciyay sirdoonka Mareykanka (CNN ayaa qortay), balse waxaa yaab leh in RW Xamse oo bishii July 2024 loo diray Ciraaq si uu sirdoonka Iran ugala hadlo arrinta hubka Yemen ka imaanaya ee Shabaabka iyo Daacish soo wadeen in markii dambe la iska daayay oo laga aamusay.  

    – Walwalka ugu weyn ee XASAN SHEEKH ayaa ah in haddii Puntland ay ku guuleysato dagaalka argagixisada, horeyna doorasho qof iyo cod ah uga hirgashay Puntland in taasi ay ka dhigan tahay fashilka kooxda #Muqdisho ayna horseedi doonto in mustaqbalka siyaasadda iyo dowladnimada dhulka Soomaaliyeed lagala hadlo Puntland iyo Somaliland oo ah deegaaano xor ah, nabad ah lehna dowlado ku yimid cod dadweyne.  

    – Xasan wuxuu geed dheer iyo mid gaaban hadda u fuulay siduu u joojin lahaa xaqiiqadaan dhowaan bannaanka iman donta.

    – Waxaa sidoo kale walaac weyn laga muujiyay qulqulka dadka ka yimaada dhanka Itoobiya ee soo mara Berbera, kuwaasoo badankood sheegta inay yihiin dad kasoo cararay nidaamka Addis Ababa oo tahriib ah, balse ay suuragal tahay inay ku jiraan xubno ku socda kooxaha argagixisada.  

    – Arrintaan dambe waxaa muhimmad gaar ah u sii yeelaya dhowaan is qarxintii ka dhacday saldhigga #Dharjaalle waxaa ku dhintay 12 ajnabi ah oo ay ku jireen Itoobiyaan, Tunusiyaan, Moroco, Algeria iyo Comoros (waxaa sidaas faafiyay baraha kooxda Daacish).


    WQ:// CABDALLE AXMED MUUMIN

    Abdalla Ahmed Mumin Hamza Abdi Barre Hassan Sheikh Mohamud Hilaac Operation ISIS Islamic State (IS) Mogadishu Puntland Soomaaliya
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    October 17, 2026
    Latest Posts

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.