Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Go’aamada shirka Masuuliyiinta Labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug.
    Puntland

    Go’aamada shirka Masuuliyiinta Labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: January 21, 2025: kulan muhiim ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dawladood ee Galmudug iyo Puntland ee ku howllanaa nabadeynta Gobolka Mudug, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda iyo dirirta soo noqnoqtey ee u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase islamarkaana looga hortagi lahaa iskudhac danbe oo sababa khasaare nafeed ayaa lagu gaarey go’aamadaan;

    1. In maleeshiyada labada Beelood ee dirirtu u dhaxayso la kala fogeeyo iyada oo la kala geynayo goobihii hore loogu asteeyey (Bandiiradley iyo Galdogob).

    2. In dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada Dawladood, kuwaas oo u xilsaaran hubinta nabadda aagga ka caagan maleeshiyo beeleedka oo ah inta u dhexeysa Galdogob iyo Bandiiradley.

    3. In guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culamada ee ka garnaqa khilaafka labada Beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyaga oo la tashanaya odayaasha dhaqanka labada Beelood iyo labada Dawladood.

    4. In guddi gaar ah loo saaro falkii weerarka ahaa ee 18/01/2025 maleeshiyada kasoo jeedda Beesha Leelkase ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo si go’aan ku habboon looga gaaro muddo 48 saac gudahood ah.

    5. In la tixgeliyo lana ilaaliyo dhammaan go’aamadii iyo heshiisyadii hore looga gaaray khilaafka labada beelood ee Leelkase iyo sacad lana fuliyo wixii hore loogu heshiiyey.

    6. In isku socodka xoolaha lagu xakameeyo deegaanada hadda ay kala joogaan inta xal kama dambays ah laga gaarayo.

    7. Fulinta iyo dhaqangelinta go’aamadaan waa in lagu xaqiijiyaa ugu dambayn 27/01/2025.

    Halkan ka akhriso:-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.