Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Maxay ku kala duwan yihiin Cabdullaahi Yuusuf iyo Xasan Shiikh?
    Puntland

    Faallo:-Maxay ku kala duwan yihiin Cabdullaahi Yuusuf iyo Xasan Shiikh?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markii Maamulkii Dowladii TFG ee uu hogaaminayay MW Cabdullaahi Yuusuf ay garab ka codsadeen Maamulkii Melles Sanawi ee Dowladii Fadaraalka Itoobiya xilligaas,Dadka ku Dhaqan Xamar Qaylo ayay Afka furteen,waxayna ku dhawaaqeen Jihaad Dalka iyo Diinta looga Difaacayo Cabdullaahi Yuusuf iyo Amxaarada uu wato.

    Dagaalkaas oo loogu Magacdaray (Wax iska caabinta),waxaa Qayb ka ahaa MW Xasan Shiikh oo haatan ku fadhiya Kursigii Cabdullaahi ku fadhiyay markaas.

    Dad badan oo Somalida kale ah,ayaa lagu kuciyay Wadaniyad iyo Diin Difaac oo Qayb ka noqday dagaalkii lagala hor tagay Maamulkii MW Cabdullaahi Yuusuf rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

    Maanta si la mid ah sidii Cabdullaahi Yuusuf,waxaa fadhiya Villa Somaliya Xasan oo kasoo jeeda Xamar,waxa uuna ka dalbaday Garab Abiy oo ku fadhiya Kursigii Melles,waxaa Wadanka soo galay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka difaaca Maamulka Xasan argagixisada iyo Mucaaradka diidan hogaamintiisa.

    Su’aaluhuu,waxay yihiin?

    1.Meeday Wadaniyadii?
    2.Meeday Diintii?
    3.Meeday wax iska caabintii?

    Mise sidii uu horay usheegay MW Cabdullaahi Yuusuf ( Kursigaa Murtad ahaa ee isagu ma ahayn Murtad).

    Mise Siyaasiga Beelaha kale,ayaa loo isticmaalaa Kaarka Wadaniyada iyo Diinta?

    Mise wax iska caabintu ma qabato Siyaasiga Xamar?

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.