Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Beesha Cismaan Maxamuud oo Taageero Buuxda u Muujisay Dowladda Puntland
    Puntland

    Beesha Cismaan Maxamuud oo Taageero Buuxda u Muujisay Dowladda Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 25, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nairobi, Kenya – March 2025

    Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee beesha Cismaan Maxamuud, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo waxgarad kale. Shirkan oo lagu lafa-guray xaaladda siyaasadeed iyo horumarka Puntland ayaa si weyn loogu bogaadiyey dadaallada ay dowladdu wado, gaar ahaan dhammeystirka mashaariic muhiim ah oo horey u qabyo ahaa.

    Qodobadii Shirku Ka Soo Baxay:

    1. Taageerada Dowladda Puntland – Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in la garab istaago dowladda Puntland, maadaama ay dadaal dheeraad ah ku bixisay dhammeystirka mashaariic muhiim ah sida dhismaha waddooyinka, dib-u-habaynta amniga, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

    2. Xoojinta Midnimada Beesha – Waxaa la isku raacay in beesha Cismaan Maxamuud ay doorkeedii ka qaadato horumarinta Puntland, iyadoo laga fogaado wax walba oo kala qeybin kara bulshada.

    3. Maalgashiga iyo Horumarka Dhaqaalaha – Ganacsatada beesha ayaa lagu dhiirrigeliyay inay maal-gashi ku sameeyaan Puntland si loo kobciyo dhaqaalaha isla markaana loo abuuro fursado shaqo oo dheeraad ah.

    4. Xiriirka Caalamiga ah iyo Wada-shaqeynta – Waxaa la isla qaatay in la xoojiyo xiriirka Puntland la leedahay wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah si loo helo taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga.

    5. Dhismaha Waddooyinka Buuraleyda Bari iyo Sanaag – Waxaa shirka si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in la dhammeystiro dhismaha waddooyinka gobollada buuraleyda ah, taasoo sare u qaadi karta isku xirnaanta Puntland iyo kobaca dhaqaale ee gobolka.

    Shirkaan ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi midnimo iyo wadajir ah, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu ay isku raaceen in laga wada shaqeeyo horumarka Puntland iyo ilaalinta xasilloonideeda.

    Dowladda Puntland ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeyso ganacsatada iyo aqoonyahannada beesha si loo dardar-geliyo mashaariicda horumarineed ee horey u socday.

    Guul iyo Gobanimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.