Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Deni oo booqday Isbitaalka uu yaallo Meydka AUN Gen.Morgan
    Puntland

    Deni oo booqday Isbitaalka uu yaallo Meydka AUN Gen.Morgan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 28, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade, iyagoo qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey.

    Qoyska uu Madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuumka marwo Canab Maxamed Siyaad iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan.

    Madaxweynuhu wuxuu uga tacsiyeeyey geerida marxuumka, isagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba samir iyo iimaan ka siiyo.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.