Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa
    Puntland

    XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirrada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa qodobo adag hordhigay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, oo kulan qaatay saacado badan ay kula yeesheen xerada Xallane, gelinkii dambe ee isniintii.

    Kulanka oo qabsoomay wax yar kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u dhexeeyay Wakiillada caalamiga ah, gaar ahaan bahda C6+ – ayaa diirrada lagu saaray baahida loo qabo in la badbaadiyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya ee heshiiska laga yahay.

    Danjire Swan iyo safiirka Mareykanka Richard Riley, ayaa u soo bandhigay Madaxweyne Xassan Shiikh labo qodob, kuwaas oo kala ah

    1. In uu aqbalo shuruudaha mucaaradka (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), uuna ka shaqeeyo in gogasha uu iclaamiyay 15 bishan June noqoto mid loo dhan yahay, oo leh ajande cad, heshiisna looga gaaro qodobada la isku hayo, sidda laallida Dastuurka oo uu ka laabto iyo heshiis laga gaaro doorashada dalka ee 2026.
    2. In uu ku dhagnaado mowqifkiisa, ayna fashilanto gogasha 15 June, ayna iyagu si rasmi ah u soo galaan arrimaha Soomaalida, heshiis siyaasadeed oo dalka samatabixiyana laga doono meel ka baxsan Soomaaliya, sida KAMPALA.

    Xassan Shiikh oo la daalaa-dhacaya culeysyada siyaasadeed ee ka dhashay tallooyinkiisii ayaa ay heysata labo daran mid dooro, iyadoo dadka la socda xaaladiisa ay qabaan in ay u badan tahay heshiiska Soomaalida laga doono caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.