Furitaanka Kal-Fadhigii 36 ee Gollaha deegaanka Degmada Bosaaso ayaa maanta u furmay si habsami leh waxaana munaasabada furitaanka ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha gudaha Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Khaliif, wasiiru dowlaha wasaarada yuusuf maxamed caways dhedo, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Farmayeeri iyo masuuliyiin kale.
Intii ay munaasabadu socotay ayaa waxaa madasha isku casilay Duqii hore ee degmada Bosaaso Mudane Eng Abdifitah Mohamed Osmaan Shanle iyadoo shaqadana uu si rasmi ah ula wareegay gudoomiye kuxigeenka Degmada ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Bashiir Faarax Siciid iyadoo ay kulanka soo Xaadireen 33 ka xubnood ee Golluhu ka kooban yahay.
Waxaa sidoo kale kulanaka ka qaybgalay maamulka gobolka Bari kan degmada Bosaaso, Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari,Xoghayaha dowlada Hoose ee Degmada Bosaaso Maxamuud Cabdullaahi Axmed Kawte, Isuduwayaal, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.