Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xisbiyada PL oo la amray in ay qabtaan Doorashooyinkooda
    Puntland

    Xisbiyada PL oo la amray in ay qabtaan Doorashooyinkooda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 12, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Doorashooyinka Puntland iyagoo ka duulaya qodobka 114-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobka 8-aad, farqadiisa 19-aad ee Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Dastuurada Xisbiyada Siyaasadda, gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo ilaalinta Hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland arrimaha soo socda:

    1. In Xisbiyada Siyaasaddu ay qabtaan shirwayneyaashii kuna soo doortaan hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay.
    2. Doorashooyinkaas waa in ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada.
    3. Xisbiyadu waa in ay ugu yaraan 14 cisho ka hor guddiga kusoo wargeliyaan doorashadooda iyo goobta ay ka dhacayso.

    Ugu dambayn, Guddigu wuxuu si xushmad leh ugu adkaynayaa xisbiyada in ay ilaaliyaan jadwalka kor ku xusan, kana dhabeeyaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hannaanka dimuqraadiyadda.
    Wadashaqayn wacan.

    DHAMMAAD
    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

    ð˜đð˜Ēð˜ē𝘊𝘊ð˜Ŧ𝘊ð˜đð˜Ēð˜ēð˜Ēð˜Ēð˜Ļð˜Ēð˜Ūð˜ķð˜ļð˜Ēð˜Ēð˜Ĩ𝘊ð˜Ŋ𝘊ð˜Ū𝘰

    ð˜Ļ𝘰ð˜Ēð˜Ēð˜Ū𝘊ð˜Ūð˜Ēð˜ī𝘊𝘊ð˜ģ𝘎ð˜Ēð˜Ēð˜Ļð˜Ēð˜Ūð˜ķð˜īð˜ĩð˜Ēð˜ēð˜Ģð˜Ē𝘭𝘎a

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.