Guddiga Doorashooyinka Puntland iyagoo ka duulaya qodobka 114-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobka 8-aad, farqadiisa 19-aad ee Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Dastuurada Xisbiyada Siyaasadda, gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo ilaalinta Hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland arrimaha soo socda:
- In Xisbiyada Siyaasaddu ay qabtaan shirwayneyaashii kuna soo doortaan hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay.
- Doorashooyinkaas waa in ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada.
- Xisbiyadu waa in ay ugu yaraan 14 cisho ka hor guddiga kusoo wargeliyaan doorashadooda iyo goobta ay ka dhacayso.
Ugu dambayn, Guddigu wuxuu si xushmad leh ugu adkaynayaa xisbiyada in ay ilaaliyaan jadwalka kor ku xusan, kana dhabeeyaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hannaanka dimuqraadiyadda.
Wadashaqayn wacan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.
๐น๐ข๐ฒ๐ช๐ช๐ซ๐ช๐น๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐จ๐ข๐ฎ๐ถ๐ธ๐ข๐ข๐ฅ๐ช๐ฏ๐ช๐ฎ๐ฐ
๐จ๐ฐ๐ข๐ข๐ฎ๐ช๐ฎ๐ข๐ด๐ช๐ช๐ณ๐ฌ๐ข๐ข๐จ๐ข๐ฎ๐ถ๐ด๐ต๐ข๐ฒ๐ฃ๐ข๐ญ๐ฌa

