“Talo meel kale ka timi nala ku dhiqimaayo… Warsangelina fadhataysan mayno, iyaga oo isku dhan baa dantayadu ku jirtaa.”Ayuu yiri Garaad Jaamac.
Markale,ayuu yiri Garaad Jaamac“Warsangeli in aan fadhataysanno oo u joojin-wayno dhaqankooda nagama qabato wixii aanu shalay diidanayn in aan ku samayno, walaalayaaloow raalli ahaada; anigu waxaan leeyahay intaynaan cid kale aadin aan tashanno innagu cidda aan doonaynona aan si mugleh u doono.”
Fasirka hadalka Garaad Jaamac….
- Puntland ma aqoonsana oo Afkiisa,waa ka dhowray.
- Warsangeli,wuxuu ka dhigay Dad cidlo taagan,waana gef kale oo way cadeeyeen in ay PL yihiin.
3.Warsangeli,wuxuu ka qabaa aragti ah..” Waan xodxodan lahayne maxaad nooga didinaysaan”.
4.Xamar in ay Hargaysa badashay oo ay tahay khatar kale oo soo korortay ma cadayn.
Garaadka hadalkiisu,waa caro uu kasoo qaaday taladii LC oo ay qaateen Jifida Maxamuud Garaad oo Jifidiisa Bah- ararsame banaanka laga dhigay.
Shalay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,ayaa Shirkii uga baxay,Maanta Firdhiyaa gooyay Shirkii loo balansanaa.
Garaad Jaamac,waa ka hordhacay si aan Shirka loogu dul furin oo xaalka looga dhigin ( Gashaanti Aamuskaa lagu meheriyaa).
Fursada hadalkiisa ku jirta waa…
In uu fashiliyay qorshihii Xasan Shiikh oo kala jabiyay Sool Bari.