Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ku Eedaysay iska hor imaadka Dhahar ka dhacay DFS
    Puntland

    Puntland oo ku Eedaysay iska hor imaadka Dhahar ka dhacay DFS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 15, 2025Updated:July 15, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    𝗖𝗔𝗠𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬𝗡:

    Garowe: July 15, 2025: Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac.

    Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW, wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.

    Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda ah, una soo jeensato wax dumin keli ah.

    Waxaan ka tacsiyeynaa Dadkii ku dhintay dhacdadii galabta ka dhacday Degmada Dhahar, ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u booga dhayo.
    Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaaliyaan.

             ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

    Website: moifad.pl.so

    Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

    Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

    Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.

    Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.