Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowlada Puntland oo cadaysay mowqifkeeda Shirka Laascaanood
    Puntland

    Dowlada Puntland oo cadaysay mowqifkeeda Shirka Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 16, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ๐—ช๐—”๐—ฅ ๐—ฆ๐—”๐—ซ๐—”๐—”๐—™๐—”๐——๐—˜๐—˜๐——

    ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐˜„๐—ฒ: ๐—๐˜‚๐—น๐˜† ๐Ÿญ๐Ÿฒ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ:Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay goโ€™aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii ka soo baxay Magaalada Laascaanood, waxayna qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 25kii August 2023. Isla markaasna Dowladda Puntland waxay ku dhawaaqday in ay soo dhaweynayso in Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Dhulbahante ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kadibna la qabto shirweyne ka dhexeeya guud ahaan Reer Puntland oo iyagu ay kamid yihiin si looga arrinsado mustaqbalka Gobolada ay dagaan Beesha Dhulbahante. Haseyeeshee, waxaan wali qabsoomin shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu gorfeyn lahaa mustaqbalka sharciyadeed ee Deegaanka ay Beeshu dagto iyo ka sii mid ahaanshadooda hannaanka Dawladda Puntland.

    ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ป

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay caddeynsaa:

    1. In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, Sanadkii 1998dii.
    2. In deegaan ama beel ka tirsan Dowladda Puntland ay yeelato maamul u gaar ah, waxaa ka horreysa in sifo sharci ah loo maro, ayna wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.

    Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgalinaysa rabitaanka Beesha Dhulbahante ee ah in ay noqdaan Maamul gooni ah, waxay goโ€™aamisay qodobada soo socda:

    1. Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.
    2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay cambaareynaysaa faragalinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland, fashilisana dagaalka ay Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamku kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS.
    3. Dowladda Puntland waxay ku adkeynaysaa Dadka Reer Puntland in ay xoojiyaan midnimadooda, illaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland. โ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽDHAMMAADโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽ

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

    Website: moifad.pl.so

    Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

    Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

    Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.

    Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.