Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Hubkii oo kusii siqaya in uu PL u xalaaloobo
    Puntland

    Faallo:-Hubkii oo kusii siqaya in uu PL u xalaaloobo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkigu masoo saarin Warqad cad oo uu ku sheeganayo Hubkan,marka laga soo tago xiriir qarsoon oo dhexmaray PL iyo Iyaga.

    DFS ma sheegan Hubkan oo kama hadlin,xiriir aan la sameeyay masuuliyiinta W.Gaashaandhiga,waxay ii sheegeen in baaris ay socoto.

    PL si cad uma sheegin in ay qabatay Hub kaliya,waxay cadaysay Markab Badeeda Cillad ku qabsatay in ay usoo kaxeeyeen dhanka Dekeda Bosaso.

    Hubka intaa le’eg in aan Dowladna sheegan si waadix ah macquul mahan oo uu noqdo Suuq Madow.

    Sheegashadii Daaha gadaashiisa ah ee Turkigu sheegtay,waxaa ka waynaaday jihada kale ee PL cadaadiska ku saartay in aysan Hubka sii dayn.

    Jihada PL markii hore usoo gudbisay xogta Hubka,waa Maraykanka,isla markaana haatan soo jeedisay in PL Hubka hayso,waa isla Maraykanka,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah.

    Siday ubadan tahay Hubka,waa la dajinayaa,siday ii xaqiijiyeen Saraakiil Amni.

    PL ,waa nidaam masuuliyad ka saaran tahay amniga Badaha iyo ilaalinta xeerarka caalamiga ah,iyadoo taas ka duulaysana doorkeeda masuuliaydeed way qaadanaysaa.

    Balse,waxaa jira Qodob PL walaac ku abuuray oo ah in Hubkan uu ku socdo Suuq Madow oo ilaa hada la’a la yahay jihada si cad usheegata.

    Hubkan xaaladiisu ma fududa…..

    1. Turkiga laftigiisu qayb,ayuu ka ahaan karaa fashilka,isagoo Xasan jilaafaynaya.
    2. Maraykanku ma rabo Xasan mana ogola in Hub Gacantiisa galo,waxaana dhici karta in PL laga dalbaday haynta Hubkan ilaa doorashada soo socota.
    3. In loolanka udhaxeeya Imaaraadka iyo Turkiga ee Somaliya saamayn ku leeyahay.

    Waxay kusii siqaysaa PL in Hubkan u xalaaloobayo oo la waayo Dowlad si Sharciya ugu qabsata.

    Si kastooy tahay PL,waxay haysataa fursad weyn dhan walba,waana Xisaabtamaysaa,iyadaana Marti loo yahay oo qabatay Jowharadii 2025 Somaliya ugu qaalisanayd.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.