Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish
    Puntland

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2025Updated:July 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    Dowladda Puntland waxay si joogto ah ugu howlan tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga gobolka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaan caddeyneynaa in ciidamada ammaanka Puntland ay qabteen hub farabadan oo loo waday kooxaha Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha deegaanka Calmiskaad. Waxaa sidoo kale markale la qabtay shixnad hub ah oo si qarsoodi ah loogu waday argagixisada, taasoo muujinaysa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay dowladda Puntland ku ilaalinayso amniga shacabka.

    Dowladda Puntland waxay si adag u cambaaraynaysaa cid kasta oo si toos ah ama dadban ugu lug leh taageeridda argagixisada. Waa mid aan la aqbali karin in dad Soomaaliyeed ay si qarsoodi ah u taageeraan cadowga shacabka, waxaana loo qaadi doonaa tallaabo sharci ah cid kasta oo lagu helo.

    Waxaan sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u caddeyneynaa in ay jiraan dad si ula kac ah ugu adeega danta argagixisada baraha bulshada, kuwaas oo faafinaya dacaayado iyo eedeymo been abuur ah si ay u marin habaabiyaan guulaha ay dowladdu ka gaartay la dagaalanka kooxahaas. Dadkani waxay ka xun yihiin guulaha dowladda Puntland iyo jabkii soo gaaray kooxaha argagixisada, taasoo caddayn u ah damiirkooda xun iyo doorkooda khaldan.

    Ugu dambayn, waxaan u rajaynaynaa shacabka Soomaaliyeed guul, nabad, iyo midnimo. Waxaan sii xoojinaynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada ilaa laga cirib tiro gebi ahaanba.

    WQ:-Cabdullaahi Salaad Wayrah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.