Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish
    Puntland

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2025Updated:July 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada caalamiga ah ee Daacish

    Dowladda Puntland waxay si joogto ah ugu howlan tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga gobolka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaan caddeyneynaa in ciidamada ammaanka Puntland ay qabteen hub farabadan oo loo waday kooxaha Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha deegaanka Calmiskaad. Waxaa sidoo kale markale la qabtay shixnad hub ah oo si qarsoodi ah loogu waday argagixisada, taasoo muujinaysa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay dowladda Puntland ku ilaalinayso amniga shacabka.

    Dowladda Puntland waxay si adag u cambaaraynaysaa cid kasta oo si toos ah ama dadban ugu lug leh taageeridda argagixisada. Waa mid aan la aqbali karin in dad Soomaaliyeed ay si qarsoodi ah u taageeraan cadowga shacabka, waxaana loo qaadi doonaa tallaabo sharci ah cid kasta oo lagu helo.

    Waxaan sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u caddeyneynaa in ay jiraan dad si ula kac ah ugu adeega danta argagixisada baraha bulshada, kuwaas oo faafinaya dacaayado iyo eedeymo been abuur ah si ay u marin habaabiyaan guulaha ay dowladdu ka gaartay la dagaalanka kooxahaas. Dadkani waxay ka xun yihiin guulaha dowladda Puntland iyo jabkii soo gaaray kooxaha argagixisada, taasoo caddayn u ah damiirkooda xun iyo doorkooda khaldan.

    Ugu dambayn, waxaan u rajaynaynaa shacabka Soomaaliyeed guul, nabad, iyo midnimo. Waxaan sii xoojinaynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada ilaa laga cirib tiro gebi ahaanba.

    WQ:-Cabdullaahi Salaad Wayrah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.