Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Galkacyo ma ubaahan tahay Shir horumarineed?
    Puntland

    Faallo:-Galkacyo ma ubaahan tahay Shir horumarineed?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 26, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HAA,waa ubaahan tahay balse ma’ahan midka ay wadaan Raggan kooban ee Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ah.

    Afarta Oday ee timid Galkacyo mahayaan Dhaqaale,qorshe iyo Dad diyaar u ah ka qayb qaadashada horumarinta Mudug.

    Kaliya,waxoodu,waa ismuujin ay rabaan in Dadka ka qaybgalaya Shirka Dekeda Garacad ay ka faa’idaystaan oo ku buuxsadaan Hoolka,waxayna isku dhex wataan Laba qorshe oo kala ah…

    B. Qolo Xamar wax looga soo diro oo qas rabta.

    T. Qolo ka sheekaynaysa doorashada 2029 iyo Musharaxa Madaxweynaha.

    Maamulka Gobolku Sadex Qodob,ayuu hordhigay oo kala ah..

    B.Ajandaha Shirka soo gudbiya haduu horumarin yahay.

    T. Shirka hagadiisa,waxaa yeelanaya Duqa iyo Gudoomiyaha Gobolka,maadaama uu yahay mid horumarineed.

    J. Xilliga Shirka aad u astayseen oo ah 30- ka Bishan ah dib ha loo dhigo si loogu diyaar garoobo oo uu macno uyeesho.

    Sida xoguhu igu soo gaarayaan,waa ka gows adeegeen Qodobadaas,sababtoo ah,waxay ka hor imaanayaan qorshayaashooda,waxaana qaarkood aan ka maqlay khasab baan ku qabsanaynaa Shirka,taasoo aan uqaatay in aysan ahayn aragti waayeel….

    B. Shir Maamulku diiday ma qabsoomi karo.

    T.Shir buuq galay cid ka qaybgalaysaa majirto.

    J. Awood Maamulka ka baxsan oo Shir Galkacyo ku qaban kartaa majirto.

    Galkacyo,waxay ubaahan tahay Shir horumarineed oo wata……

    1.Ganacsatada gudaha iyo dibada oo la diyaariyo.

    1. Qurba joogta oo la diyaariyo.
      3.Qaybaha Bulshada oo la diyaariyo.
      4.Saxaafada oo la diyaariyo.
      5.Dowlada oo doorkeeda la diyaariyo
      6.Mashaariic Toban ah oo la diyaariyo
    2. Ugu yaraan 10- ka Mashruuc oo Laba ka mida ah Lacagtooda Shirka lagu urursho.
    3. In lagu casumo hay’adaha caalamiga ah,Shirkadaha,maalgashadayaal iyo Dowlado.

    9.Dhaqaalaha Shirka ku baxaya in uu gaaro $ 200- kun si uu unoqdo mid heer caalami ah.

    1. In loo saaro Gudi khuburo isku jirta ah qabashada Shirka.
    2. In siyaasada laga fogeeyo habayaraatee.

    Galkacyo Shirka ay ubaahan tahay waa midkaas ee uma baahna mid suuq madow ah oo Ajandayaal lagu dhex wato.

    FG:-

    Sida Sawirka hoose idin kaga muuqata,waa Shirka Dekeda Garacad ee Maanta ka furmay Galkacyo oo Dowladu usoo dirtay Wasiirka Maaliyada si uu ufuro,taasoo muujinaysa in aan la diidanayn horumarka Gobolka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.