Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Saca Naaso Adag iyo Waysha Maxaa Kulmiyey?
    Puntland

    Faallo:-Saca Naaso Adag iyo Waysha Maxaa Kulmiyey?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 30, 2025No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saaka waxaa la arkay isbaarooyin ay dhigayaan kooxo militia beeleed ah, kuwaas oo isku dayaya in ay hoos u dhigaan guusha weyn ee ciidamada Puntland ka gaadheen argagixisada, dagaalkii ka dhacay xalay ilaa waaberigii saaka. Ficilkan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa qiimaha dhiigga wiilasha naftooda u huray difaaca shacabka iyo deegaanka.

    Ma jiro ciidan dhab ah oo isbaaro u dhiga shacabka. Dhaqankaas waa mooryaanimo, wuxuuna sharaf dhac ku yahay halgamayaashii naf-hurnimada u galay amniga dadka iyo dalka.

    Isbaaro dhigashada iyo dhibaateynta shacabka si loogu helo lacag ama wax kale waa dambi weyn oo shareecada Islaamku aad uga digtay. Quraanka Kariimka ah, gaar ahaan Surat Al-Ma’idah – Aayadda 33, waxaa lagu caddeeyay xukunka kuwa jidgooyo dhigta, wuxuuna Ilaahay farayaa in:

    1. La dilo ama la sallibo
    2. Gacmahooda iyo lugahooda isdhaaf loo jaro
    3. Ama laga masaafuriyo dhulkooda

    Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu si gaar ah uga digay dulmiga, gaar ahaan kan loo geysto kuwa daciifka ah: musafiriinta, masaakiinta, carruurta, iyo dadka buka. Isbaaradu waa dulmi, waa fasaad, waa musuq si bareer ah loo maamulayo.

    Cida Isbaarada Dhigtay Iyo Qorshahooda

    Ciidamada isbaarooyinka dhigaya maalmahan dambe waxay u kala baxayaan saddex kooxood:

    a) Militia beeleed aan rasmi ahayn, iskood isu magacaabay, kana maqan nidaamka dowladda ee payroll-ka.

    b) Kooxo uu maalgeliyo siyaasi dano gaar ah leh, si sumcad dil loogu geysto Puntland.

    c) Koox saddexaad oo marin habaabay, kuna raacay qabiil iyo xog la’aan 2-da kooxood ee sare .

    Xogta saaka la helay waxay muujineysaa in ciidamada isbaarada dhigay ay amar ka helayeen labo nin oo deegaan ahaan ka soo jeeda goobta dagaalku ka dhacay. Halkii ay difaaci lahaayeen deegaankooda, waxay doorteen in ay koox yar oo jifadooda ka tirsan u adeegsadaan isbaarooyin lagu dhibaateeyo shacabka.

    Labadaas nin waxaan leenahay: shacabka wuu idin garanayaa, dantiinna iyo cidda aad u adeegaysaan waa la fahmay. Ficilladiinnu waxay u egyihiin taageero dadban oo aad siineysaan argagixisada iyo kuwa cadowga ku ah Puntland. Wiilasha aad marin habaabiseenna ka leexiya jidka xun, si ay dalkooda u difaacaan halkii aad dano gaar ah ugu adeegsan lahaydeen.

    Su’aasha La Is Weydiinayo: Ma Xaq Baa Mise Waa Dulmi?

    Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa baryahan dambe caadaystay inay afka ku taageeraan shakhsiyaad isbaaro dhigta, iyagoo ku andacoonaya in ‘xaq ka maqan yahay ‘. Laakiin:

    Haddii aad dhab ahaan u hiilinaysaan xaq, ma waxaad oggolaan lahaydeen dulmi?

    Ma aqbali lahaydeen in ganacsade canshuur bixiya – oo dhici karto inuu khudrad xumaan karta sido ama xoolo nool oo gaajoonaya, baabuurkiisa isbaaro loo dhigto muddo 10 maalmood ah?

    Ma garanaysaan khasaaraha dhaqaale iyo naf ahaaneed ee ka dhasha jidgooyooyinka lagu xanibo gaadiidka gobolka ka imanaya?

    Ma fahmi kartaan dhibta soo gaadha carruurta, waayeelka, iyo bukaanka isbitaalka loo waday marka waddooyinka la xidho? Ka waran hadii ragaan is baarada dhigtay khasaarooyinka intaas le’eg lagu soo dalici lahaa Iyo waliba mag dhow dhaqaale burburin?

    Maxaa shacabka ku mutaystey ciqaab guud (collective punishment) oo aanay galin? Haddii askari sheeganayo in “xaq ka maqan yahay ”, sow ma habboonaa inuu maro dariiq sharci ah oo nabdoon?

    Ceebta & Cudurdaarinta Dulmiga

    Waxaa soo badanaya dad la qabatimay in ay sharaf-dil iyo ceeb u raadiyaan deegaankooda. Wax walba oo xun – burcadnimo, fowdo, isbaaro – iyagaa cudurdaar u raadiya, xitaa haddii ay si toos ah u waxyeeleeyaan danaha guud.

    Waxaa la joogaa waqtigii si cad loo kala saari lahaa:

    Yaa difaacaya shacabka Iyo degaanka?

    Yaa magaca shacabka u adeegsanaya dano gaar ah?

    Puntland cidna kama mudna in lagu eedeeyo ceeb aysan lahayn,

    Dowladda Puntland iyo Baahida Siyaasad Cad

    Dowladda Puntland waxay wajahaysaa xaalad adag: dagaalka argagixisada wuxuu celcelis ahaan maalintii ku kacaa $300,000. Waxaa muhiim ah in:

    Dowladda ay la hadasho shacabka, una caddeyso xaaladda amni iyo dhaqaale.

    Cabashooyinka ciidan ama askar sheeganaya in “wax ka maqan yahay” si daah-furan loo caddeeyo. Hadii wax ka maqan yihiina loo sheego wadada saxda ah ee uu ku raadsan karo, hadaaysan wax ka maqnayna dadka laga qabto .

    La dejiyo sharci cad oo ka dhan ah isbaarooyinka.

    Qofkii jabiyo sharcigaas aan loo eegin qabiil ama cid kale, balse si siman loo wajaho.

    Puntland Waxay U Baahan Tahay:

    1. Siyaasado cadcad (clear policies) oo mamnuucaya isbaarooyinka.
    2. Traitor Laws: sharciyo lagula xisaabtamo cid kasta oo si bareer ah uga hor timaada danaha guud ee Puntland.
    3. Xeerar adag oo lagula tacaalo colaadaha hurinta, shacabka kicinta, iyo la shaqeynta cadowga gudaha.

    Gunaanad:

    Puntland waa inay wajahdaa cadowgeeda gudaha: kuwa ku gambanaya magaca shacabka si ay u hor istaagaan horumarka.

    Waxaa la joogaa xilligii laga guuri lahaa dhaqamada wiiqaya dowladnimada, laguna beddeli lahaa sharci, cadaalad iyo la xisaabtan dhab ah.

    Saca naaso adag iyo waysha wax isku mid ah maaha — laakin haddii ay meel ku kulmaan, waxay calaamad u tahay in taladu faraha ka baxday.

    W/Q: Muna Kaamila

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.