Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Cabdulqaadir Axmed Tuure (Geeddi), ayaa uga qeybalay magaalada Vienna ee dalka Austria shirka sannadlaha ah ee Madasha Maayarada Magaalooyinka oo ay ka qaybgalayaan Maayaro ka kala yimid magaalooyin badan oo ku yaalla Latin America, Yurub iyo Afrika.
Shirka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta magaalooyinka, sida uu sheegay Duqa Garoowe.
“waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo mayors-ka matalaya magaalooyinkooda kana qaybqaadanaya kulamadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga iyo horumarinta magaalooyinka.”
“Shirka waxaa lagu soo bandhigayaa waxqabadkii iyo guulihii ay magaalooyinku gaareen sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo mudnaanta iyo qorshayaasha maalgashi ee sannadka soo socda.”
“Kulamadan waxay fursad muhiim ah u yihiin is-dhaafsiga khibradaha aqoonta iyo xalalka horumarineed si loo helo fikrado cusub oo wax ka tari kara horumarinta magaalooyinkeena.”
“Waxaan rajaynayaa in ka qaybgalka Garoowe ee madashan uu horseedo fursado cusub iskaashi caalami ah iyo khibrado wax ku biirin kara horumarka iyo adeegyada caasimaddeenna.”
IDILNEWS
