Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Loolanka Imaaraadka iyo Turkiga Ee Somaliya?!!.
    Puntland

    Faallo:-Loolanka Imaaraadka iyo Turkiga Ee Somaliya?!!.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 28, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Labadan Wadan,waxay xiriir lawada leeyihiin Reer Galbeedka,gaar ahaan Maraykanka.

    Siyaasadooda ku aadan Geeska Afrika,waa mida Maraykanka oo lid kuma ahan.

    Labadan Wadan,waxay ku loolamayaan Somaliya markay timaado danahooda gaar ahaaneed.

    Mid,waa Fadaraal awooda iyo dhaqaaluhu qaybsan yihiin oo heerar maamul kala leeyihiin sida Somaliya mana danaynayo in uu taageero Dowlad Hal Magaalo iyo Hal Xaafiis looga arimiyo,waana Imaaraadka Carabta.

    Midka kale,waa nidaam kaligii talis ah oo Hal magaalo iyo Hal Xaafiis looga arimayo oo awooda iyo dhaqaalaha uu Gacanta ku hayo Hal Nin,isla markaana raba in uu Somaliya ka dhiso Dowlad noocaas ah,waana Turki.

    Imaaraad iyo Somaliya?.

    Imaaraadku,wuxuu rabaa Somaliya in uu isagu unoqda Sxbka kaliya ee ay la jaalka tahay dhan walba.

    2000 ilaa Maanta,wuxuu geliyay Somaliya Balaayiin Dolar.

    Loolan kala duwan,ayaa soo maray,waxaase ugu culus midka uga imaanaya Turkiga xilligan.

    Xasan Shiikh,waa Ninka Turkigu u isticmaalay loolankiisa ka dhanka ah Imaaraadka,waana Ninka ka qaaday Dekeda iyo Garoonka Imaaraadka oo siiyay Turkiga.

    Imaaraadku,wuxuu uga duwan yahay Turkiga isbalaarintiisa guuda ahaan Somaliya,waana midaas mida uu ku guulaystay oo looga adkaan waayay.

    Haatan Xamar banaanka,ayuu ka joogaa lkn,wuxuu Jaal la yahay qaybihii kale ee Wadanka ee muhiimada lahaa.

    Imaaraadka,waxaa lagu amaanaa in uu yahay waaqici markay timaado xaalka Somalida siyaasad ahaan,dhaqan ahaan,dhaqaale ahaan,Diin ahaan iyo aragti ahaan,waana mida keentay in uu la jaanqaado nidaamka Fadaraalka oo uusan muhiimad siin Hal magaalo iyo Hal Xaafiis.

    Somalida,wuxuu la leeyahay xiriir soo jireen ah oo dhaqaale,amni,Diimeed iyo Dhaqan.

    Turkiga iyo Somaliya?.

    Turkigu,wuxuu rabaa in uu Somaliya qaato dhan walba.

    Siyaasadiisu,waa Somaliya Hal Magaalo looga taliyo oo Dowlad dhexe oo awood badan ay maamusho.

    Bartilmaameedyadiisu,waa….

    B. Dhaqaalaha.
    T. Amniga.

    Loolanka ugu adag,wuxuu uga imaanayaa Imaaraadka Carabta.

    Fashilka Turkiga qabsaday,waa in uusan qaybaha kale Somalida Gacan ku hayn hamigiisii ahaa dhisida Dowlad dhexe oo awood badana uu socon waayay.

    Turkiga,waxaa lagu tilmaamaa Dhagaaloyaal aan xog badan ka hayn waaqiciga Somaliya oo dhaqan ahaan,dhaqaale ahaan,siyaasad ahaan,Diin ahaan iyo aragti ahaanba uusan ku dhex jirin Somalida.

    Isku soo koobidiisa Muqdidho,waxay ku keentay fashil hamigiisii ahaa Somaliya in uu qaato.

    Gunaanad:-

    Turkiga iyo Imaaraad,waxay leeyihiin xiriir wanaagsan,waxayna kawada shaqeeyaan arimo kale oo caalamka kale ka socda lkn danahooda Somaliya, ayaa isdiidan,wayse kala war wareegaan oo toos isuma weeraraan siyaasiyan markay timaado gudaha Somaliya.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyaha Midowga Afrika oo Xasan Shiikh ka qaatay Laaluush

    November 28, 2026

    The Hidden Hand Behind the AU Peace and Security Council’s Endorsement of Sham Elections

    November 28, 2026

    Turkiga oo joojiyay baaristii Shidaalka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya

    November 26, 2026
    Latest Posts

    Hogaamiyaha Midowga Afrika oo Xasan Shiikh ka qaatay Laaluush

    Faallo:-Loolanka Imaaraadka iyo Turkiga Ee Somaliya?!!.

    The Hidden Hand Behind the AU Peace and Security Council’s Endorsement of Sham Elections

    Turkiga oo joojiyay baaristii Shidaalka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya

    Faallo:-Yaa ka danbeeya kicinta Shacabka Garowe?

    Qurba-joogta Gobolka Mudug oo muujiyay Wadaniyad iyo waxqabad

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo

    Xasan Shiikh oo diyaarsaday doorasho isagu leeyahay

    Ciidanka Badda PL oo noqday kuwa ugu hormarsan guud ahaan Somaliya

    Faallo:-Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ubaahan dib uhabayn balaaran










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.