Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amnesty: Xadgudubyo culus ayaa weli ka socda Qatar (Warbixin)
    Somalia

    Amnesty: Xadgudubyo culus ayaa weli ka socda Qatar (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kumanaan shaqaale ah oo ku sugan dalka Qatar ayaan mushahar ka helin dadka ay u shaqeeyaan, waxaana lagu qasbaa inay ku noolaadaan xaalado aad u liita, sida ay ku warrantay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

    Inkasta oo ay sanaddii 2018 ballan-qaaday inay is-beddelo ku sameynayso sharciyada muhaajiriinta, ayaa Amnesty waxay sheegtay in dowladda Qatar ay ku guul-darreysatay inay fuliso siyaasadaheeda ku aadan mushaharaadka aan la bixin.

    Amnesty waxa kale oo ay sheegtay in nidaamka shaqaaleynta ee Kafala uu shirkadaha dalkaas siiyo awood ballaaran oo ka dhan ah shaqaalaha muhaajiriinta ah.

    Ayada oo Qatar lagu wado inay marti-geliso koobka kubadda cagta adduunka ee 2022, ayaa kooxdan xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay dalkan ku yaalla khaliijka ku cadaadiyaan inuu horumariyo xaaladda qiyaastii labada milyan ee qof ee ah muhaajiriinta shaqaalaha ah.

    Guusha Qatar ay ku heshay marti-gelinta Koobka Adduunka ayaa dareenka dunida kusoo jeediyey silaca muhaajiriinta shaqaalaha ah, oo badankood iminka ku lug leh dhismayaasha garoomada kubadda cagta iyo kaabayaasha.

    Kadib cambaareyn caalami ah, Qatar ayaa ogolaatay dhismaha guddi xaliya muranada shaqada, iyo sanduuq caymis oo taageera shaqaalaha sharciga la tiigsanaya kuwa ay u shaqeeyaan.

    “Wax walba aad ayay ugu qurxoonaayeen warqadda. Hase yeeshee xaqiiqda dhulka ka jirta ayaa ah, marka shaqaalaha aan mushaharkooda la siin, oo ay kiiskooda geeyaan maxkamad ay wajahayaan dagaal sharci oo aad u waqti fog, oo weli qaadanaya saddex illaa sideed bil, si ay maxkamadda go’aan uga gaarto.” Waxaa sidaas tiri May Romanos oo ah baaraha Amnesty u qaabilsan muhaajiriinta shaqaalaha ah ee Khaliijka.

    “Ayada oo sidaas ay tahay, haddana weli ma hubna in lacagtooda ay helayaan, kuwa badan oo ka mid ah ayaa iska rajo dhiga oo dalalkooda ku laabta ayagoo gacan maran, ama sii jooga Qatar ayaga oo ku nool xaald aad u liidata, qabana rajo ah in lacagtooda u iman doonto.” Ayey tiri.

    Dowladda Qatar waxay ku adkaysatay inay sameysay is-beddelo macno leh, ayna faro-gelisay oo ay muhaajiriin badan gacan ku siisay in go’aan laga gaaro kiisaska ka-dhaxeeya ayaga iyo kuwa ay u shaqeeyaan.

    Xigasho VOA:

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.