Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odayaasha dhaqanka K/galbeed oo eedeeyn kulul u jeediyay DFS
    Somalia

    Odayaasha dhaqanka K/galbeed oo eedeeyn kulul u jeediyay DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Cambaaareeyay xayaraadii dhawaan dowladda Federaalka saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi la socday xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo.

    Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo si xun ula dhaqmay Sheekh Shariif,isla markaana u diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha aadan Cadde xili uu ku wajahanaa Kismaajo,isagoona doonayay inuu qeyb galo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta dib loo dhigay.

    Odayaasha oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay inuu yahay nabadoon aadna u dulqaad badan oo wax badan dalkaan  u soo qabtay.

    โ€œWaa nasiib daro aad u weyn Madaxweyne Farmajo inuu ka xishoon waayo ninkii asaga Mareykanka kakeeney oo Raโ€™iisul Wasaare ka dhigey waxay cadeyn u tahay inuu dalkaan rabo inuu ku hogaamiyo wixii shalay ay Soomaaliya isku dagaashay la gamana yeelaayo taasi โ€œayay dhaheen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

    Ugu dambeyntii, Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey iney raali gelintii uu Madaxweyne Sharif u sameeyey reer Koonfur Galbeed ay ka aqbaleen ugana mahad celinayaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.