Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo loo diiday inuu tago Washington DC
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo loo diiday inuu tago Washington DC

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa loo diiday codsigiisii uu ku dalbaday Visa uu ku tago Washington.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynayay in uu tago Washington DC, oo uu la kulmo Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madax kale oo katirsan Dowlada Maraykanka, iyadoona sidoo kale la qorsheynayay inuu xariga ka jaro Guri Cusub oo ay gadatay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

    Madaxweyne Farmaajo, ayaa diidmada Visa-ha kadib la filayaa in uu dib ugu soo laabto Dalka, maadama uu soo idlaaday Qorshihiisii kale ee uu ku joogay Magaalada New York ee aheyd inuu khudbad ka jiidiyo Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo inuu ka qeyb-galo kulamo doceedyo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha waxaa qabtay Qodobkan hoos ku qoran ee sheegaya;

    “The US typically grants diplomats a C-2 visa, which allows them to remain in the US for as long as a month and to move within a 40km (25-mile) radius”.

    Taariikhda Diblomaasiyada Soomaaliya iyo Mareykanka, waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed oo xilka haya loo diido Visa uu codsaday ama meel ka mid ah Maraykanka oo uu tagi lahaa, waxaana arintani ay waji gabax ku tahay Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo ah mid aan fadhin, sida ay rumeysan yihiin Dadka ka faalooda Arrimaha Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.