Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka+Sawirro
    Puntland

    VIDEO: Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019Updated:November 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay caawa Magaalada Garoowe, ayaa ansixiyay Miisaaniyada 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay USD 346,416,158.99 Milyan sanadkii, taas oo ay soo diyaarisay, sidoo kalena ay Golaha hor-geysay Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland.

    Kulanka oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan Miisaaniyadan cusub.

    Xasan Shire Abgaal oo ka hadlayay muhiimada Miisaaniyadan iyo waxa ay uga duwan tahay Miisaaniyadihii hore, ayaa tilmaamay in Miisaaniyadan lagu saleeyey baahiyaha asaasiga iyo sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad dibadeed oo la heli karo.

    https://www.facebook.com/826003914191316/videos/422343541780683/

    Miisaaniyadda Dowladda ee 2020, ee caawa ansixiyeen Golaha Wasiiradda Puntland ayaa lagu wadaa in Berri la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland si ay u ansixiyaan.

    Miisaaniyada sanadkan ayaa si aad ah waxaa uga muuqday dhaqaale ay Dawlada Puntland u qoondaysay Horumarinta, sida Dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka Wadada Garowe-Laascaanood iyo Wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamid ah dhismayaasha Ceelal biyoodyo, Horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    March 29, 2026

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    March 29, 2026

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    March 29, 2026
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    Xasan Shiikh oo dhaawac weyn gaarsiiyay Dowlad dhiskii Somaliya

    Puntland oo ka gaabsatay hanbalyada isdoorashada Laftagareen

    DFS Oo ka hor timid isdoorashada Laftagareen

    Cabdicasiis Lafta Gareen Oo isku doortay Madaxweynaha KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.