Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Degmooyin iyo Gobalo kamid ah DDS oo aan yeelan doonin Xildhibaano matala (Warbixin)
    Somalia

    Degmooyin iyo Gobalo kamid ah DDS oo aan yeelan doonin Xildhibaano matala (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumud Cagjar, ayaa ku guuleystay dadaal uu galay, sidii codeynta doorashada Dowlad Degaanka loo hareer marin lahaa Degmooyin badan oo kamid ah Degaanka, kuwaas oo uu u arko in uusan cod ka helin doonin isaga iyo xisbigiisu.

    Degmooyinka aan lagu qaban-doonin Doorashada Degaanka ayaa weyn doona Xildhibaanada ku matali lahaa Baarlamaanka Dowlad Degaanka iyo heer Federaal, iyadoona sidoo kale lumin doona Degmo-nimada iyo maamul magaalo-nimada, waxaana ay kala yihiin:

    Degmooyinka Gobolka Faafan ee laga noqdey.

    1.Degmada Qooraan oo rugteedu noqonayso Mula

    2.Degmada Harawo oo rugteedu noqonaysoDharwanaaje

    3.Degmada Jigjigada Galbeed oo rugteedu noqonaysa Haroorayso

    4.Degmada Shabeeley.

    5.Maamulka magaalada Qabribayax.

    6.Maamulka magaalada Wajaale.

    Degmooyinka Gobolka Jarar ee laga noqdey”

    1) Degmada Bilcil-buur

    2) Degmada Dig.

    Degmooyinka Gobolka Qoraxay ee laga noqdey.

    1) Degmada Boodalay.

    2) Degmada Higlooley.

    3) Degmada Laas-dhankayre.

    4)Degmada Goglo oo rugteedu tahay Kudunbuur

    5)Degmada ceel ogaadeen

    Degmooyinka Gobolka Liibaan ee laga noqdey”

    1.Degmada Boqol maayo.

    2.Degmada Qadhaadhumo.

    Degmooyinka Gobolka Shabeele ee laga noqdey.

    1.Degmada Eleele

    2.Degmada Abaaqorow

    Degmooyinka Gobolka Afdheer ee laga noqdey”

    1.Degmada God-God.

    2.Degmada Qooxle.

    Degmooyinka Gobolka Sitti ee laga noqdey.

    1.Degmada Gablaalu

    2.Degmada Goota-biki oo xaruntu noqonayso Biki

    Degmooyinka ee Gobolka Doollo ee laga noqdey”

    1.Degmada Lahel-yucub.

    2.Degmada Galxamur

    Degmooyinka ee Gobolka Nogob ee laga noqdey”

    1.Degmada Xaraarey

    2.Degmada Yaxoob.

    3.Degmada Cayuun.

    4.Degmada Horshagax.

    5.Degmada Waangay

    Labada Gobol ee yeelan doonin Xildhibaano heer Federal”

    1. Erer

    2. Daawo

    Dastuurka Dowlad Degaanka Itoobiya iyo kan Dowladda Federaalka, ayaa dhigaya in Degmadii aan matalaad ka helin Baarlamaanka labada heer, aysan sii ahaan Karin Degmo, doorasho kaddib, waxaana ay tani ka dhigan tahay in Magaalooyinkan ay dib ugu laaban doonaan Degmooyinkii horey looga maamuli jirey.

    Dadka ka faalooda arrimaha Dowlad Degaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in tani ay muujinayso in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu dagaal gaar ah kula jiro Beelo gaar ah oo ku xooggan Degaanka, kuwaas oo kala ah Beelaha “Reer Cabdille iyo Majeerteen” oo u arko inay kazoo hor-jeedaan xukunkiisa.

    Inta badan Degaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa laga dareemayaa kicin looga soo hor-jeeda go’aankan iyo xukunka Madaxweyne Cagjar, oo lagu dhaliilo in mudadii uu talada hayay ku mashquulay bartilmaameedka beelo gaar ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    March 28, 2026

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    March 28, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    March 28, 2026
    Latest Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    Xasan Shiikh oo dhaawac weyn gaarsiiyay Dowlad dhiskii Somaliya

    Puntland oo ka gaabsatay hanbalyada isdoorashada Laftagareen

    DFS Oo ka hor timid isdoorashada Laftagareen

    Cabdicasiis Lafta Gareen Oo isku doortay Madaxweynaha KG

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.