Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe oo booqday Dekedda Boosaaso iyo xarumo dowladeed (Sawirro)
    Somalia

    Axmed Madoobe oo booqday Dekedda Boosaaso iyo xarumo dowladeed (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehlinayo Madaxweynaha  Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale oo Dowladeed.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqday goobo ay kamid yihiin Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland, Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale, iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan, waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.

    Sidoo kale, Magaalada Boosaaso waxaa ka socda shirar saacado qaatay oo dhexeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay wehlinayaan xubno kamid ah labada Gole ee Dowladda, kaas oo looga hadlayo iskaashiga amniga, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo xaalada Guud ee Soomaaliya, sida Doorashooyinka 2020/2021 iyo Dhameystirka Dastuurka KMG ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.