Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gedo: Ciidan horey uga biiray garabka DFS, oo Jubbaland dib ugu soo noqday
    Somalia

    Gedo: Ciidan horey uga biiray garabka DFS, oo Jubbaland dib ugu soo noqday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa dib ugu laabtay xeryohoodii ciidan, kaddib markii ay isaga soo baxeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo dhowaan sheegtay inay diiwaan-gelin ciidamadan u samaynayso mudooyinkii tagay.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland mudane Cabdiraxman Maxamad Xassan, ayaa sheegay in ciidankan oo si sharci darro ah lagaga soo saaray xeryohoodii laguna khasbay in ay isu diiwaan galiyaan in ay kamid yihiin ciidanka xukuumadda federaalka ay haatan dhamaantood dib ugu laabteen xeryohoodii iyaga iyo hubkii ay wateen.

    Madaxda federaalka dalka ayaa mudooyinkii dambe ku hawlanaa in ay xiisad dagaal ka dhex abuuraan shacabka wada daga gobolka Gedo iyaga oo isku dayay in ay ciidanka Jubbaland ee gobolkan ku sugan kala qaybiyaan waana isku day ay ku guul darraysteen sida ka muuqata talaabadan isku duubnida muujinaysa ee ay ciidanka daraawiishta Jubbaland ku dhaqaaqeen.

    Culimada, wax garadka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Gedo ayaa cambaareeyay qaran duminta ay madaxda xukuumadda federaalka dalka la damacsanyihiin gobolka iyaga oo ugu baaqay in ay hakiyaan hawlahan cawaaqibta aadka u xun yeelan kara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    March 28, 2026

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    March 28, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    March 28, 2026
    Latest Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    Xasan Shiikh oo dhaawac weyn gaarsiiyay Dowlad dhiskii Somaliya

    Puntland oo ka gaabsatay hanbalyada isdoorashada Laftagareen

    DFS Oo ka hor timid isdoorashada Laftagareen

    Cabdicasiis Lafta Gareen Oo isku doortay Madaxweynaha KG

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.