Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Xerada Xalane
    Somalia

    Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Xerada Xalane

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Al-Shabaab ayaa markii labaad 24-saac gudahood weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah.

    Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Madaafiicdii shalay ayaa sidoo kale ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen.

    Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay Dad ajaaniib ah, wallow aysan jirin wax war oo kasoo baxay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weeraradan madaafiicda ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    March 28, 2026

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    March 28, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    March 28, 2026
    Latest Posts

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha Fadaraalka oo laga keenay Mooshin xilka qaadis ah

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay ka amusing PL ee isdoorashada Laftagareen?

    Xasan Shiikh oo dhaawac weyn gaarsiiyay Dowlad dhiskii Somaliya

    Puntland oo ka gaabsatay hanbalyada isdoorashada Laftagareen

    DFS Oo ka hor timid isdoorashada Laftagareen

    Cabdicasiis Lafta Gareen Oo isku doortay Madaxweynaha KG

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.