Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaano kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay Dowladda Federaalka
    Somalia

    Xildhibaano kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay Dowladda Federaalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka aqalka sare ahna Xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga Himilo Qaran Senator ilyaas Ali Hassan ayaa ka soo horjeestay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan iibka qandaraasyada 7 baloog oo kamid ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

    Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee DFS ayaa shalay soo saartay go’aan lagu iibinayo wareegga koowaad ee shati bixinta, waxaana warqad ka soo baxday Wasaaradda lagu sheegay in ilaa bisha Maarso ee sanadka 2021 ay socon doonto.

    Senator ilyaas Ali Hassan ayaa caddeeyey in guddiga kheyraadka aqalka sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay in Shidaalka caalamka uu haatan soo wajahay qiime dhac aad u weyn, taasina ay khasaare ku tahay qaranka Soomaaliyeed.

    Qoraal uu Xildhibaanka soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in waqti xun lagu beegay iibka xirmooyinka Shidaalka wuxuuna yiri “Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale u tahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag!”

    Cudurka Coronavirus ayaa saameeyey dhaqaalaha caalamka taas ayaana ku kalliftay dowladda Soomaaliya in share-ka ay ku iibiso hab online ah laga billaabo afarta bisha todobaad August 2020.

    Waxaa la ogaaday in dowladda Soomaaliya qorsheysay inay iibiso 15 block oo qiimo ahaan ku kacay 30 million fuusto lkn qiima dhaca Shidaalka iyo shirkadaha daneynaya oo hoos u dhacay waxaa la go’aamiyay 7 kamid ah, waxaana warbixin internet ka lagu daabacday sheegaysaa in baloogyada suuqa yaal ay kala yihiin 152, 153, 164, 165, 177, 178 iyo 204.

    Somalia, waxay markii ugu horreysay billowday inay shidaal sahmiso oo ka fikirto inay soo saarto xorriyaddi ka hor 10 sano, oo ku beegan 1950-kii waxaana shirkadaha heshiisyada galay kamid ah Shell, ExxonMobil, Eni iyo Chevron, hase ahaatee waxaa dalkii burburay 1991 oo la galay dagaal sokeeye.

    Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan maamul goboleedyada dalka oo deegaannadooda laga soo saarayo Shidaalka maadaama weli aan heshiis dastuuri ah laga gaarin qaybsiga khayraadka dalka, xiriirka maamullada federaalka iyo dowladda fedraalka ahna uusan wanaagsaneyn sidoo kalena Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay kasoo horjeesteen Sharciga Batroolka oo ay Xildhibaannada ansixiyeen Madaxweyne Farmaajana uu saxiixay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.