Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray dilkii Guddoomiyihii Gobalka Mudug
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray dilkii Guddoomiyihii Gobalka Mudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

    Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

    =DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.