Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Xagee lagu diyaariyay Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ?
    Somalia

    XOG: Xagee lagu diyaariyay Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax Ismiidaamin ah oo Axadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Maamulka Gobalka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare iyo 5 Ruux oo kale, ayna ka mid ahaayeen ilaaladiisii.

    Ilo-wareedyo dhanka Sirdoonka ah ayaa shabkadda Idil News u xaqiijiyay in Qaraxan Ismiidaaminta ah oo loo adeegsado Gaari NOHA ah, lagu soo diyaariyay koonfur Gobalka Mudug, gaar ahaan Degmada Xagardheere oo ah saldhiga Al-Shabaab ee Gobalka Mudug.

    Gaarigan oo uu waday Ruux naftii halige ah, ayaa sirdoonku sheegeen in Abaaro 8:00 subaxnimo uu soo galay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug, isagoona ku sugnaa illaa 10:30 barqonimo, oo uu uga soo gudbay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

    Xogaha Sirdoonka ayaa intaas ku daraya in bartilmaameedka Qaruxu uu ahaa labo dhinac, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiyaha iyo in hadii la ogaado lala beegsado goob walba oo Shacabka badan ku sugan yihiin oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

    Sidoo kale, Xogaha sirdoonka Puntland ayaa tibaaxaya in saacado kaddib Qaraxa gacanta lagu dhigay rag kamid Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo maalmo ka hor kusoo laabtay Magaalada kana yimid Koonfurta Soomaaliya, lana aaminsan yahay inay hagayeen Qaraxan Ismiidaaminta.

    Qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ayaa xoguhu sheegayaan in uusan aheyn mid ku kooban Maskaxda Al-Shabaab oo kaliya, balse abaabulkiisa ay qeyb ka ahaayeen Xoogaga Siyaasadda ay ku hardamayaan Puntland iyo Dalal shisheeye, kuwaas oo caadeymo muujinaya ay gacanta ku dhigeen Sirdoonka Puntland.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa niyad jab ku aadan galaan-galkoodii Gobalka Mudug, tan iyo wixii ka dambeyay bishii May ee sanadkii 2019-kii, xiligaas oo ay bilowdeen Howlgallo Sirdoon oo Puntland ka fulisay Degaano kamid koonfurta Soomaaliya iyo Gobalka Mudug, waxaana Al-Shabaab dhabarjab weyn kala kulmeen burbur ku yimid heshiisyo ay horey ay ula galeen beelo kamid ah kuwa dega Waqooyiga Gobalka Mudug, kaddib markii Madaxweyne Deni uu tagay Gobalka oo xaaladiisu cakirneed.

    Al-Shabaab ayaa intaas wixii ka dambeeyay Dagaalyahanadeeda kala baxaysay Magaalada Gaalkacyo, waxaana xaaladu ku sii cuslaatay kaddib markii Isbedel lagu sameeyay Hoggaanka Amniga Gobalka iyo Ciidamo dheeraad oo Puntland geysay magaalada, taas oo kaliftay in fashilo ku yimid Weeraro ay qorsheynaysay Kooxda, iyadoona xabsiyadda loo taxaabay xubno la sheegay inay gacan saar la lee yihiin iyo dhowr maleeshiyaad ah oo kaga sugnaa magaalada Gaalkacyo

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.