Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo ka hadashay dilkii Guddoomiyihii Gobalka Mudug ee Puntland
    Somalia

    AMISOM oo ka hadashay dilkii Guddoomiyihii Gobalka Mudug ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Mr. Axmed Muuse Nuur.

    “Anigoo ku hadlaya magaca Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direyaa qoyskiisa iyo Puntland geeridii ku timid guddoomiyihii gobolka Mudug.

    AMISOM, waxay marxuumka ku tilmaamtay Intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, inuu door weyn ka qaatay bixinta adeegyada dowladda hoose ee aadka loogu baahan yahay oo ay ka mid tahay ka ilaalinta bulshada gobolka Mudug cudurka coronavirus, xasilinta iyo dadaallada dib-u-dhiska.

    Axmed Muuse Nuur, ayaa todobaadkaan lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay dambeeyeen kooxda Al-shabaab. Waxaa la geeriyooday walaalkiis Maxamed Muuse Nuur iyo saddex ilaalidiisa ah.

    Dilkiisa ka hor, waxaa guddoomiyaha uu haystay digniin ku saabsanayd in lala damacsan yahay weerar qorshaysan oo lagu dilayo, kadib markii laamaha amniga Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya ay heleen xog amni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.