Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Maxaan kala soconaa Aaran-jaan Iyo Karaash?
    Somalia

    Faallo:-Maxaan kala soconaa Aaran-jaan Iyo Karaash?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 21, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Iska ilow hadaad islahayd Puntland Madaxweyne cusub,ayaa loo doortay 8-dii Janaayo 2019.

    Madaxweyne majiro ee waa cad baruur ah oo cidlo yaala.

    Aaran-jaan waa kuwee”

    Niman aan xishoon

    Niman aan dhaqan fiicnayn.

    Niman hadafkoodu lacag yahay.

    Niman khatar ku ah amniga Umada.

    Niman khatar ku ah nolol maalmeedka Bulshada.

    Niman khatar ku ah midnimada Umada.

    Karaash waa kuma”

    Ma liito Karaash waxa ugu sareeya oo Nin Dhulbahante ah lagu karaameeyo oo ah in uu ka fog yahay unacamlaynta Isaaq,ayuu leeyahay.

    Nin bulshaawi ah wax wada cun leh dad badan wadan kara.

    Nin aan khatar ku ahayn Midnimada,amniga iyo jiritaanka Puntland.

    Hal cilad,ayuu leeyahay oo inta badan lagu arko siyaasiyiinta iyo shacabka Dhulbahante ,taasoo ah abaal ka dhaca Majeerteen iyo uraacida cid walba oo ay is hayaan.

    Karaash Vs Aaran”

    Karaash waa diiday waxa uu qaatay Deni ee ah ma diidin la masruufo.

    Aaran iyo isagu waxay isku hayaan mahan arimo masiiriya oo danaha Puntland ah ee waa aqbal in Xasan Shire yahay Madaxweynaha Puntland.

    Gardaro aan geed loogu soo gaban iyo xadgudub karaameed ayay Aaran ula tageen Karaash.

    Maxamuud Saleebaan iyo Karaash”

    MS waa mid ka mid ah jifooyinka beelweynta Majeerteen waxa loo xusayo ee sida gaarka ah loogu magac dhabo waa in ay yihiin hogaaminta Daarood.

    Taasi mahan in ay dadka kale ka sareeyaan ka caqli badan yihiin balse waa curadnimo iyo hibooyin rabi siiyay oo keenay in mudnaan ay ka dhex helaan beelaha kale ee Daarood weyne.

    Mudnaanta soo jireenka ah ee MS haysto masii socon doonto hadii hab dhaqanka Garowe yaala ee hormuudka Aaran uyahay uu sii jiro.

    Muhiimadu waa in Ms haldoorkiisu diidaa xadgudubka Aaran ee xiligan kana feejignaada in markale ay dhacdo foolxumadii lagu garab siiyay ee Dhoobo-daareed.

    Maskaxda waa in ay ku hayaan 50-kii Wiil ee dagaalkii ugu danbeeyay Laascaanood lagu waayay ujeedka loo huray ay ahayd hadaf fog oo salkiisu yahay dad iyo dhul.

    Awooda Karaash”

    Karaash waxuu haystaa Ciidan lagu qiyaaso 200 oo jiida hore fadhiya iyo 50-hoygiisa ilaalisa dhawr dagaalna galay kuna hubaysan Gawaari dagaal oo ilaa Toboneeyo ah.

    Dhaqaale hada mahayo lkn meelo kala duwan oo ay ugu xoog badan tahay Villa Somaliya,ayuu ka helayaa.

    Shacbiyadiisu ma xuma.

    Awooda Aaran”

    Aaran lacag way heli karaan oo Xukuumadii ayay haystaan.

    Ciidan iyaga toos uga amar qaata oo ka awood badan kan Karaash mahayaan.

    PSF iyo PMPF weerar lagu ekeeyo Karaash magalayaan.

    Reer Muduga awooda Ciidan lehna loolamaba tagi karo aragtidaas.

    Jimcaale iyo Caagadayste mahaystaan Ciidanka Karaash muquunin kara.

    Shacbiyad mahayaan oo si weyn,ayaa loo diidan yahay.

    Warka ugu danbeeyay khilaafka”

    Aaran waxay wadaan in ay ugu yaraan Mooshin ka keenaan Karaash,sidoo kalena awood Ciidan ku bajiyaan si uu ubaqo oo ugu dabco.

    Waxay diyaariyeen 6-Xildhibaan oo min 5000$ la siinayo,kuwaasoo gudbin doona Mooshinka sida dastuurku qabo,waxay kaloo olale ugu sii jiraan in ay helaan 16-kale oo ku raaca.

    Karaash dhan walba waa ka diyaar garoobayaa.

    Sidaan xogta ku helay xataa waxuu xiriir la sameeyay Islaan Bashiir iyo Islaan Ciise oo ugar dhiibtay.

    Sidoo kale waxaa jira dadaal uuwado Gudoomiyaha Baarlamaanka oo laga yaabo in ay kusoo biiraan Madaxweynayaashii hore.

    Danta Puntland”

    Isimada,siyaasiyiinta,Culumada iyo haldoorka kalaba waa in ay ukacaan xalinta khilaafkan ku salaysan danaha gaarka ah khatartana ku danta guud.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.