Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Francisco Madeira oo lagu eedeynayo Musuq, Maamul-xumo iyo Faragelin Siyaasadeed
    Somalia

    Francisco Madeira oo lagu eedeynayo Musuq, Maamul-xumo iyo Faragelin Siyaasadeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Francisco Madeira oo lagu eedeynayo Musuq, Maamul-xumo iyo Faragelin Siyaasadeed

    Moqdisho: Ergeyga Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somaliahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambasador Francisco Madeira waxa uu ka dhiidhinayaa Eedeymo loo soo jeediyey oo isugu jira Musuq, Maamul-xumo, Xadgudub iyo Faragelin Siyaasadeed.

    Warbixin Cusub oo dhex wareegayso gudaha Xafiisyadda Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa si kulul loogu naqdiyey Ambassador Francisco Madeira, iyadoo lagu eedeynayo inuu si xun ula macaamilo Shaqaalaha, oo ay ku jirto inuu u diido bixinta Shukumaanada ama Tuwaalka Caafimaadka, inuu shaqaalaha u isticmaalo Lahjad Adag, Afduubka Deeqaha AMISOM si uu Siyaasad ahaan uga faa’ideysto iyo isagoo dhinac ka qaadanayo Xaalladaha Somalia, halkii la filayey in Hawlgalka AMISOM uu dhexdhexaad ka noqdo arrimahaasi.

    Warbixin-hoosaadka aan weli soo shaac bixin waxaa kaloo lagu muujiyey in Hoggaaminta AMISOM si caadi ah u farageliyaan Arrimaha Siyaasadda ee Somalia, isla markaana uu mararka qaarkooda la dhinac noqdo DFS.

    Dowlad-gobaleedka Jubbaland waxay cabasho ka keentay Hadal uu Ambasador Francisco Madeira uu dhawaan ka jeediyey Golaha Ammaanka ee QM.

    Sidoo kale, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ayaa waxay cabasho ka yihiin Ambasador Francisco Madeira oo u dhashay dalka Mosombiik.

    Waxa uu xilka Madaxa Hawlgalka AMISOM hayey tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2006-dii, isagoo xilligaasi bedelay Ambassador Ambassador Maman Sambo Sidikou, kaasi oo ku magacownaa Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

    Dhianca kale Amisom ayaa beenisay eedeymaha lo jeediyey Francisco Madeira

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.