Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C.C.Warsame oo fariin udiray Farmaajo
    Somalia

    C.C.Warsame oo fariin udiray Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 6, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne waxaa igu maqaalo ah in aad berri kalfadhiga Baarlamaanka furayso. Waxaan ku xusuusinayaa in ay fursaddani tahay tii ugu danbeysay ee aad Baarlamaanka ku hortimaaddo, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanku yeesho. Haddaba Madaxweyne waxaa kula gudboon in aad indhaha kala furto, xaqiiqda ka sheegto xaalka dalka, dhabta wajahdo, dhinac iska dhigto dhalanteedka, garawshiyo ka bixiso guuldarradii, gaabiskii iyo gaboodfalkii dhacay.

    Waxa kuu haray waa siddeed (8) bilood. Shacabka ku dhageysan doona kaama sugayaan ballanqaad wax qabad, ama ku faan wax aad soo qabatay. Taas wey ka daaleen. Waa la wada ogyahay inaad taallooyin dhistay, dayactirtayna Golihii Murtida iyo Madaddaallada, Garoonkii Ciyaaraha ee Muqdisho iyo Matxafkii Qaranka.

    Laakiin Shacabku waxey doonayeen dalkoo ciidan qaran loo dhisay, AMISOM oo masuuliyaddii amniga lagala wareegay, Aragagexisada oo nabad lala gaaray, ama dagaal looga guulaystay, doorasho qof iyo cod ah oo la qabto, nidaamka 4.5 oo laga gudbay, loona gudbay nidaamka xisbiyada badan, Dastuurkii oo la dhammaystiray, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo wada shaqeeya, Maxkamaddii Dastuuriga ahayd iyo Guddigii Adeegga Garsoorka oo la dhisay. Hanti Dhowrka oo madax bannaan hela, si hufnaan maaliyadeed iyo garsoor caddaalad ah loo helo. Dadku hay’addo dawladeed oo la dhiso ayey kaa sugayeen ee darbiyo dhisid marxaladdan kaagama fadhin.

    Sidaa darteed, shacabku maanta hal arrin ayey afkaada ka dhowrayaan; sida ay xukuumadda aad hoggaamiso u qabaneyso doorasho xilligeeda ku qabsoonta, la isaga raalliyahay, si nabdoonna ku dhacda. Dadka waxay kaa sugayaan sida aad ula heshiinayso dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta kaa aragtida duwan, saamigana ku leh siyaasadda dalka. Dadku waxay dhowrayaan in aad Reysal-wasaaraha ra’yigii uu maalmo ka hor sheegay ku raaci doonto ama waddadii dhalanteedka aad sii heyn doonto. Ha is oran ruwaayad dhig, oo dadka ku maaweeli doorashadii Guddiga Doorashooyinka iyo Baarlamaanka ayaa laga sugayaa.

    Madaxweyne calafkaaga iyo nasiibkaaga tijaabi. Waxaan ku xusuusinayaa in aad dalka timid 20/December/2016-kii, doorashadii oo ay bil iyo 18 maalin ka harsan tahay. Madaxweyne ayaa lagu doortay, dadkoo idilna way ku taageereen, xilkii ayaad kala wareegtay madaxweyne awooddii dowladda ee Muqdisho haysta. Sababta sidaasi u dhacday waa tixgelin shacabku u hayo Dastuurka iyo dowladnimada iyo in ay diiddanyihiin xukunka sharci darrada iyo xoogga ku dhisan. Waxaan kaloo ku xusuusinayaa in Ciidanka xoogga dalka iyo kuwo AMISOM ee aad meesha ugu timid amarkoodu uu shaqeynayo inta ay sharciyad iyo dastuur u hoggaansan yihiin.

    Madaxweyne, kuwa habeen walba ku seexiya ee filinka dhalanteed kuu shida ee ku leh haddii Dowladda Federaalka ah isku duuban tahay, cid kale loo joojin maayo, waa kuwa ugu horreeya ee aad wayn doonto markii ay xaajadu dhabta gaarto, sababtoo ah awooddu mansab iyo magac maaha ee waa inta uu saammiga siyaasiga dhan yahay, taasoo halbeegeedu yahay haddba saameynta iyo taageerada uu heli karo in ay la egtahay.

    Waxaan mar kale kuu dardaar warinayaa in aysan taladu ku seegin, fursadduna kaa lumin.

    C C.WARSAME

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.