Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ugu danbayn Farmaajo aqbalay shir qaran oo wadatashi
    Somalia

    Ugu danbayn Farmaajo aqbalay shir qaran oo wadatashi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2020Updated:June 14, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR KU CASUUMAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR

    Muqdisho, 14ka Juun, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

    Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

    Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

    Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.