Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisaabtan baa inoo wada furan markaan ee yay wax ku maqan yihiin?
    Somalia

    Xisaabtan baa inoo wada furan markaan ee yay wax ku maqan yihiin?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gobalka Banaadir Xubnihiisii Aqalka sare uu ku lahaa, Jubbaland xubin ka maqan, Koonfur Galbeed xubin ka maqan iyo Pland xubin ka maqan intaasba waa in la helaa oo gobalada iyo maamulada ay ku maqan yihiin laga soo celiyaa sidaas baa 54-ta xubnood gobal walba ku heli karaa matalaadiisii Daatuurka ku qornayd.

    1-Banaadir oo gobal ah 0
    2-Jubbaland oo 3 Gobal ah 8
    3-KG oo sadex Gobal ah 8
    4-Pland oo 4.5 Gobal ah 11

    Hadaba yay ku maqanyihiin xubnahaas aan leeyahay hala soo celiyo? Waxay ku maqanyihiin Galmudug iyo Hirshabeele sababtuna waa taan:

    1-Galmudug oo 1.5 Gobal ah 8
    2- Hirshabeele oo 2 Gobal ah 8

    Hadaba labadan maamul marka 54 xubnood sida Dastuurku qabo lagu saleeyo 18 Gobal waxa ku maqan 6 xubnood waayo Hirshabeele waxay helaysaa 6 xubnood, Galmudugna waxay helaysaa 4 xubnood.

    Markay sidaas tahay Dastuurka waa in la waafajiyaa wax qeybsiga 54-ta xubnood waana in gobalada xubnahoodii ku maqanyihiin gobalada kale loo soo celiyaa sidaasna Gobalka Banaadir ku helaa matalaadaadiisii aqalka sare.

    Ogow hada wax qeybsiga aqalka sare Somaliya iyo caalamkaba waxa lagu saleeyaa gobalada ama maamulada ee tiro dad lagu saleeyo waayo aqalka sare shacabka ma matalo ee gobalada ama state yada ayuu matalaaa balse golaha shacabka ayaa shacabka matala.

    Waxaa cadayn ah US iyo Canada oo labaduba Federal ah lehna labadan aqal sideena oo kale xubnahooda aqalka sare waxa lagu qeybiyaa laguna saleeyay ayna matalaan gobalada ama state-yada wadamadaas oo tiro dad lagu salayn. Tusaale, gobalka California waxa ku nool 40 Milyan wuxuna leeyahay 2 xubnood oo aqalka sare ah, sidoo kale Wyomin state waxa ku nool 500,000 kun oo qof wuxuuna leeyahay 2 xubnood oo aqalka sare ah.

    Ugu danbeyn waxaan qabaa in Xildhibaanada gobalada wax ka maqanyihiin sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Pland ay gudbiyaan mooshin ay ku dalbanayaan in sida dastuurku qabo xubnaha ayaga ka maqan iyo kuwii gobalka Banaadir ba gobalada ay ku maqanyihiin laga soo celiyo.!

    Sayid Abdul

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.