Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qatar iyo Turkiga oo dhalinyaro Soomaali ah u adeegsan doona dagaalka Liibiya
    Somalia

    Qatar iyo Turkiga oo dhalinyaro Soomaali ah u adeegsan doona dagaalka Liibiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 21, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booqashada lama filaanka ah ee Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar uu ku tagay Qatar dhamaadka todobaadkan ayaa muujinaysay in Turkiga uu doonayo in uu xoojiyo dagaalka ka dhanka Ciidanka uu hoggaamiyo Generaal Haftar, islamarkaana dagaal ay ka qeyb gali doonaan dhalinyaro Soomaali ah oo ay tababaratay dowladda Qatar.

    Akar wuxuu magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani, faafaahin kama ay bixin warbaahinta ay maamusho dowladda Qatari ayaa lagu sheegay Warbixinta Wargeyska lagu Magacaabo Libya Review soo xigtay xubno ka mid ah dowladda Liibiya.

    Ciidanka ayuu ku sheegay Wargeyska Libya Review in ay yihiin Ciidamo dhowrkii Sano ee lasoo dhaafay si gaar ah ay tababaratay dowladda Qatar, islamarkaana u badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid ah noqday Ciidanka Qatar.

    Booqashada ayaa timid xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Liibiya ee National Accord (GNA), oo ay taageerayaan Turkiga, ay dagaalyahannada u wadaan dhanka magaalada Sirta ee istiraatiijiga ah  ka hor inta aysan dhicin weerarro.

    Turkiga ayaa u diray gantaalo iyo qoryaha is-qarxinta ee loo adeegsado gudaha Siiriya isku diyaarinta Libya, wargayska Milliyet-ka Turkiga ayaa sheegay Axadii.

    Qatar iyo Turkiga ayaa qabtay wadahadalada maalin kadib markii Pentagon ay soo saartay warbixin sheegeysa in Turkey ay u dirtay inta u dhaxaysa 3,500 iyo 3,800 dagaalyahanno u diray Libya si ay u xoojiyaan ciidamada GNA.

    Warbixinta ayaa laga yaabaa inay keentay isbeddel ku yimid aragtida Turkiga ee adeegsiga Suuriya, taasoo dhalisay dhaleeceyn caalami ah, iyo xagga shaqaaleysiinta dagaalyahano kale oo badan oo Soomaali ah, oo Qatar ay tababareyso isla markaana geyso saldhigyada halkaas ku yaal, Libya Review.

    Turkiga iyo Qatar waxay noqdeen xulufada dhow ee gobolka, iskaashiga Liibiya iyo dagaalka Suuriya. Masar, oo ay weheliyaan Ruushka iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu ee taageeray hoggaamiyaha mucaaradka Liibiya General Khalifa Haftar, ayaa ka digay inay ka jawaabi doonto isku day kasta oo lagu qabsado Sirte ama istiraatiijiyadda al-Jufra ee hawadda saliidda ee Liibiya oo leh faragalin milatari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.