Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb-galay xuska 1-da August oo lagu qabtay Gaalkacyo (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb-galay xuska 1-da August oo lagu qabtay Gaalkacyo (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 2, 2020Updated:August 2, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay caawa lagu qabtay Gaalkacyo.

    “Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii. Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    https://www.facebook.com/826003914191316/videos/290234972081590/

    Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

    Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib.

    Madaxweynaha oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay.

    Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.