Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DF Soomaaliya oo la sheegay inay shuruudo ku xirtay sii-deynta Qaadka Kenya (Akhriso)
    Somalia

    DF Soomaaliya oo la sheegay inay shuruudo ku xirtay sii-deynta Qaadka Kenya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay in dib loo bilaabo jaadka (qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya,kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya.

    Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Busniss Daily iskaashada qaadka ee degaanka Nyabene Xubno ka socday ayaa yimid Magaalada Muqdisho si ay Dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado jaadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay kamid yihiin.

    1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

    2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya
    3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

    4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

    Guddoomiyaha iskaashada Qaadka degaanka Nyabene Kmathi Nyabene ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday dalabkii codsiga ahaa ay ka diiday,waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu xaliyo khilaafkaan diplumaasiyadeed ee hakadka geliyay Ganacsigooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.