Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo hakinaya dhaqaalaha uu siiyo Itoobiya
    Somalia

    Maraykanka oo hakinaya dhaqaalaha uu siiyo Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanka ayaa hakinaya kaalmada dhaqaale ee uu siiyo dalka Itoobiya, arintaasi oo salka ku haysa khilaafka ka taagan biyo-xireenka uu waddankaasi ka dhisayo webiga Nile.

    Jariirada Foreign Policy ee ka soo baxda Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay saameyn karto 130 milyan oo dollar oo ay xukuumadda Washington ku kabto Ethiopia.

    Tallaabadan oo uu meel-mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya Washington iyo Addis Ababa, xilli Itoobiya ay wado qorshe ay ku buuxineyso biya xireenka uu muranka ka taagan yahay.

    Sida ay sheegtay jariirada Foreign Policy, dhaqaalaha uu doonayo Maraykanka inuu hakiyo ayaa saameyn ku yeelan kara dhinacyada ammaanka, la dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo ka hortagga tahriibka ee Itoobiya.

    Jariirada oo soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan congress-ka ayaa sheegtay inay dhici karto in lacagtaasi ay ka yaraato 130-ka milyan ee la qiyaasay.

    Haddii ay dhaqangasho hakintan, waxa ay caqabad ku noqon kartaa qorshaha Itoobiya ay ku buuxineyso biyo xireenka, sida ay qabaan khubarada ka faalooda xiisadda ka taagan webiga Nile.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya ayaa horay u sheegay in Maraykanka uu u xaglinayo dhanka Masar oo doonaysa in heshiis laga gaaro buuxinta biyo xireenka.

    Masar ayaa ku doodaysa in biyaha Nile ay u leeyihiin mudnaan amniga qarankeeda kamid ah, waxaana warbixin uu bishii July daabacay Mac-hadka Qorsheynta Qaran ee dalkaasi lagu sheegay in 12 nooc oo kamid ah kalluunka ay dabargo’i doonaan biyo xireenka awgii.

    Wadaxaajoodkii ugu dambeeyay ee wasiiradda biyaha ee dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan ay Jimcihii ka yeesheen arinta biyo xireenka ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

    BBC SOMALIA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.